Waa maanso jaceyl ah oo aan ugu magac daray AMRAN waxaan u tiriyay gabar aan la dhacay quruxdeeda iyo sidii aay iisoo jiidatay oo aan aad ula dhacay, waxaan idiin leeyahay igula nasta dhalinta sida dhabta ah uu jaceylka u saameeyay.
Indhaweydba ararteeda.
Murti iyo irdaheeda.
Iba bixinta suugaan.
Afka waan ka jarayoo.
Ma abaarin waayahaan.
Ugxanteyda gaarka ah.
Astaantiyo tilmaanta.
Horta aan abaaree.
Udubada u taagee.
Inaan tiriyo geeraarka.
Albaabada usoo furo.
Waxaa igu idbaaree.
Igu diray inaan qoro.
Timo haldhaaleydii aan arkiyo.
Amran soow maahan.
Ixtiraamkiyo asluubta.
Eebaa u gaar yeelay.
Afka waxeey ka sheegtaa.
Uurka wixii jiro.
Hilaaca Waa Astaanta Roobaad,
Amrana Waa Ileyskii Quruxda.
Asalkeedu waa qureysh.
Arinteedu waa wanaag.
Aflagaadiyo ceeb.
Kumeey soo ambo qaadin.
Xidigaha waa astaanta habeenimo.
Amrana waa ileyskii quruxda.
Amran boqoradeyda.
Waa midaan adeecoo.
Aaminkeyga u dhiibtay.
Siduu eebe u dhgay.
Indhaheyga eegmada.
Ashqaraar beey ku ridoo.
Arladoo idil.
Udgoonkeeda oo qura.
Alleylahe ku faafyoo.
Doogu waa udgoonkii dhulka.
Amrana waa ileyskii quruxda.
Oogada kala shuban.
Dhaxda qabatinta leh.
Timaheeda adhaxdiyo.
Haabhaabta dhabarkoo.
Socodkeeda laafyaha.
Dhaldhalaalka qosolka.
Axad loo dhigaan jirin.
Biyaha waa astaanta nolosha.
Amrana waa ileyskii quruxda.
Hooyadii soo abaabisay iyo.
Aabihii aradka u yeelay.
Alleylaha mahad baan siinayaa.
Aroosna kaga doonanayaaa.
Hilaac waa astaanta roobaad.
Amrana Waa ileyskii quruxda.
W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”
lovewithpromise143@hotmail.com
waaw waah sheeko waalanba
WAR WAA NIMANKINAN MAXA GABDHAHA ISLAMED SAWIRADOODA U SOO QADANEYSAAN MIYAYDAN XISHONEN GABADHAN SAWIRDEDA MESHA SARATEN LAMA YIRAHDO AMRAN, WAANA GABAR ILA DHALAY MID KASTOO IDINKA MID AH WAAN UGAARSAN DOONA INSHA ALLAH.
hal abuurka maansadu hibo eebe weeyee hadii aadan hido u helin,
adigoon habeyntiyo hufideeda garaneyn
layskama hor boodee, hami yaanu kula tegin.
By nin yaaban
Thank you for the auspicious writeup. It in fact was a amusement account it. Look advanced to more added agreeable from you! However, how could we communicate?