Sunday, May 19th, 2013
.

DEG DEG: Augustine Mahiga oo Shaaca Ka Qaaday In Soomaaliya ay Yeelaneyso Madaxweyne Cusub

Published on June 13, 2012 by   ·   No Comments

Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo goordhow wareysi siiyey Warbaahinta Galcad24.com ayaa shaaca ka qaaday inay haboon tahay in Soomaaliya ay yeelato madaxweyne cusub marka la gaaro bisha Agoosto 2012 isagoo si cad u muuujiyey in shakhsi cusub ay dadku u baahan yihiin.

Augustine Mahiga oo xafiiskiisa magaalada Muqdisho kula hadlay Galcad24  ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey digniinaha isdaba jooga ah ee beesha caalamka u jeedineyso kooxaha loo bioxiyey ‘QASWADAYAASHA’ isagoo u kala qeybiyey illaa afar qeybood.

Wuxuu sheegay in qaswadayaashu ka kooban yihiin; Dagaal oogayaashii hore oo raba inay talada dalka ku qabsadaan xoog, kooxo ganacsato ah oo iyaguna lacag wax ku qabsanaya, kooxo ku dhexdhuumanaya beelaha iyo dawlada iyo koox qurbe joog ah oo uu sheegay inay sumeynayaan maskaxda dadka Soomaaliyeed.

Wuxuu wareysiga u sheegay in cid kasta oo ka hor timaada qariirada loo yaqaano roadmap-ka ay ula dhaqmi doonaan si adag oo la mid ah sidii loola dhaqmay Al-Shabaab.

Augustine Mahiga oo Galcad24 ay weydiisay dilalka faraha badan ee loo geysanayo wariyaasha Soomaaliyeed iyo iyadoo dadkii dilalkaasi geystay aan la soo qaban illaa hadda ayuu sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaateynta saxaafadda madax banaan ee Soomaaliya isla markaana uu had iyo goor garab taagan yahay.

Wuxuuna kula taliyey wariyaasha inay ilaaliyaan sharciga wartebinta isla markaana aysan u dhega raaricin dilalka, hanjabaada iyo dhibaateynta ay ku hayaan kuwo uu ku sheegay inay yihiin dembiilayaal.

HomePage

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

We Love Fanaaniinta Sanadka”Like”

qisoj

Daawo All Somali Tv Live