Wednesday, June 19th, 2013
.

Dad isku diray Daanyeer Ciyaal-suuq ah iyo Bisad lagu sheegay Baari & Bisadii oo nafta u yaabtay (Daawo Muuqaal+Warbixin)

Published on June 14, 2012 by   ·   2 Comments

Qaar ka tirsan dalalka Asia gaar ahaan Wadamada Thailand ,India iyo Bangaladesh waxaa jira dad fara badan oo Lacag ku dhigta isku dirka Xayawaanaadka guryaha lagu xanaaneeysto sida Bisadaha, Eeeyaha iyo Daanyeerada.

Dadkaan ayaa mararka qaar waxay Daanyeerka ku diraan sidoo kale Xoolaha ama Digaaga kaas oo dabadeed si la yaab ah ugu dheel dheelo Xayawaanaadkii lagu diray.Daanyeerka ayaa caadi ahaan ilaaheey wuxuu u uumay qaab u eg sida beniaadanka wuxuuna leeyahay Lugo iyo Gacmo u qaab eg kuwa Beniaadanka.

Dad camal la´aantii ka badatay ayaa Bisad lagu sheegay Rabaayad waxeey ku direen Daanyeer Ciyaal-suuq ah oo bood bood badan kaas oo ka qeeylasiiyay Bisadii Rabaayada eheed maadaama ay u adkeesan weeysay Daanyeerkaan oo ahaa mid Bisadii neefta ku celiyay.

Nala Daawo Wacdaradaan Kadibna Ka Dhiibo Fikirkaaga Ku aadan Arintaan aad Halkaan Ka Daawan Doonto


Daanyeerkaan ayaa markii hore waxa uu ka cabsanayay Bisada balse markii uu arkay inay tahay Bisad Baariyad ah ayuu waxa uu ku bilaabay Qoorsagaaro iyo inuu seenta ka jiido waxaana arintaas aad u dhibsatay Bisadii Rabaayada eheed oo weeysay si ay iskaga dhiciso Daanyeerkaan Ciyaal-suuqa ah.
Xafiiska Wararka Galcad24.com
Muqdisho Soomaaliya
Galcad24@hotmail.com

galacad

Readers Comments (2)

  1. dunia says:

    doqomiiin aya tihin oo ma waxad so galisan ayad weyden ma carurba cajiiiiib

  2. There is evidently a bunch to know about this. I feel you made certain good points in features also.

You must be logged in to post a comment.

LIKE SAAR BOGGA GALCAD24.COM

qisoj