Guriceel (Galcad24) Maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe ayaa sheegay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda KMG Soomaaliya iyo maamulkasi.
Cismaan Ciise Faarax Taardhuleed gudoomiyaha degmada Guriceel ee gobalka Galgad ee Maamulka Ahlu Sunna oo wareysi siinayay Shabakada Warabaahinta Shabelle ayaa waxa uu sheegay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Ahlu Suna iyo dowladda KMG Soomaaliya, isgoo dowladda ku eedeeyay in ay iska indha tireyso awooda Ahlu Sunna, islamaraana ay jabisay heshiisyadii ay kuwada galeen magaalda Addis Ababa ee dalka Ethiopia.
Gudoomiyaha degmada Guriceel ee gobalka Galgad ayaa sidoo kale sheegay in mudo 4-sano oo ay dagaalo ka wadeen gobolada dhexe ee dalka ay ka waayeen dowladda KMG Soomaaliya wax kaaalma ah oo ku aadan dagaalada ay kula jiraan Al Shabaab, waxaana uu farta ku goday in ka bixitaanka ciidamada Ahlu Sunna deegaano hoostaga gobolka Galgaduud aan laga tashan dowladda, isgoo carabka ku adkeeyay in khilaafka u dhaxeeyay labada dhinac in ay dowladdu mas’uul ka tahay.
Dhanka kale Cismaan Ciise Faarax Taardhuleed ayaa waxa uu sheegay in aysan soo gaarin gobolada ay ka arimiyaan Ahlu Sunna howlo ay sheegtay dowladda KMG ah in dib loogu dhisayo goboladii laga saaray Xarakada Al Shabaab, waxaana uu intaasi ku daray in dowladdu ay gobolada ay gacanta ku heyso Ahlu Sunna ay ka qoratay dad aan matalin sida uu hadalka u dhigay.
Dhawaan ayay aheyd markii ciidanka Ahlu Sunna iyo kuwa Ethiopia ay ka baxeen deegaano iyo degmooyin hoostag gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
ururka ahlusuna isku magacabay wlh waxaan uheestay inay udagalamayaan somaliyaweyn lakiin way nocadatay runtooda war shawaab waa cadowga somaliya magaasna mamatashiin wlh sharafta ayaana kaqadeen hadaaba dhadeen qilaaf anaga iyo dowlada nasoo kala dhaxgalay ayaa ugu baxnay melahaas
Hello. splendid job. I did not imagine this. This is a excellent story. Thanks!