Galcad24 (MUQDISHO)Waxa si habsami leh uga socda dalalka Poland iyo Ukarin tartanka Yurub 2012-ka kuwaas oo hadda ku dhow wareega labaad ee kooxaha oo ilaa hadda ay iska xaadiriyeen illaa lix koox oo ka ah Czech Republic, Greece, Germany Portugal, Spain iyo Italy .
Ciyaarihii xaley la ciyaaray oo il gaar ah loo lahaa waxa ay dhex mareyn xulalka Croatia, Spain, Italy Iyo Jamhuuriyada Ireland.
Ciyaarahan sababta isha goonida loogu hayay waxa weeye seddax xul oo ka mid ah ayaa la isla ahaa waa kuwa mid ka mid haraya.
Ciyaartii koobaad ee Group C oo ka dhacday garoonka PGE Arena Gdansk waxa ay dhemartay xulalka Croatia iyo Spain, Kooxda Spain waa kooxda difaacaneysa koobkan iyadoo rajeeda ma xumayn, laakin kooxda ay la cayaareyso ee Croatia ayaa laga baqaayay in ay wareega sideeda u soo gudubto.
Si kastaba ciyaarta oo uu dhexdhaxaadiye ka ahaa garsoore Wolfgang Stark oo u dhashay dalka Germany ayaa qeybtii koobaad waa lagu kala baxay 0 iyo 0.
Ciyaarta waxa nasiib u helay oo garoonka ku sugnaa dad lagu qiyaasay ilaa 39,076 oo qof kuwaas oo hilow u qaba ciyaaraha Yurub 2012-ka.
Ciyaarta markii qeybtii labaad la isugu soo laabtay ayaa daqiiqadii 88-aad waxa u suura galay kooxda Spian gool waxana u dhaliyay J. Navas , weerar iyo weerar celis waxa ay ku dhamaatay waqtigii loogu talagalay 1 iyo 0 oo ay guusha ku raacday kooxda Spian.
Sidoo kale ciyaar kale oo isla waqtigaas socotaya ayaa waxa ay ka dhex taagneyd xulalka Talyaaniga ama Azuuri iyo Rep. of Ireland, xulka Talyaaniga waa loo baqay, laakin sidaas ma noqon oo kooxda Talyaaniga 2 iyo 0 ayey isku dhaafisay kooxda Jamhuriyada Ireland, sidaasna waxa dhaba u sii xaar-xaartay wareega sideeda kooxaha Spain iyo Italy kuwaas oo ku biiraya
Ciyaarta ugu dambeesa oo lagu kala ogaanyoo cid u soo gudubta wareega 8-da waxa weeye ciyaaraha ay ciyaarayaan xulalka England iyo Ukraine, kooxda Ukraine waxa ay qeyb ka martigalineysa koobka sanadkan, kooxdii kale ee la qabaneysay Poland waa ay isaga hartay.
Ciyaarta koobaad Group D waxa ay ka dhaceysa garoonka Donbass Arena waxa ay u dhexeysa England ? – ? Ukraine, waxa ciyaartan garsoore ka ah Viktor Kassai oo u dhashay dalka Hungary
Sidoo kale Group D waxa isku arkaya gasroonka Stadion NSK Olimpiyskiy kooxaha Sweden iyo France, kooxda Sweden wax rajo ah kama lahan in ay ka sii mid noqoto horiyaalka Yurub waayo waxba meesha umayaala, marka ay ciyaarta dhameysato waa in ay u socdaashaa gurigeeda. la arki doonee cida soo baxda afarta koox ee caawa ciyaaraya koobka kooxaha Yurub ee sanadkan 2012-ka oo wata xiiso iyo xamaasad. ballanteenu waa bari subax iyo nastiijada iyo faalooyin kale.