Wasaarada gaashaandhiga ee wadanka Yemen ayaa sheegay in qof Soomaali ah uu ku lug lahaa weerarkii is qarxinta ahaa oo lagu dilay taliye sare oo ka tirsanaa ciidamada amaanka wadankaasi Yemen.
War ay kasoo saartay Wasaaradu dilka Taliyaha ayaa waxaa ay ku sheegtay in qof dhalashadiisa ay ahayd Soomaali uu is qarxiyay isla markaana uu dilay taliyaha.
Taliyihii Ciidamada Yemen ee ladagaalanka Kooxaha Argagixisada Gen Salem Ali Qatan ayaa waxaa dilkiisa sheegtay kooxda Alqaacidada Dalka Yeman lakiin waxaa ay ku gaabsadeen in Mid kamid ah walaalaha Mujaahidiinta uu fuliyay falka Ismiidaaminta ah.
Gen, Salem Ali Qatan ayaa waxaa lagu dilay Magaalada Cadan ee Dalka Yeman kadib markii qof Ismiidamiyay uu isku qarxiyay Xili Kolanyo waday Taliyaha ay kasoo qaaday Gurigiisa.
Yeman horay ayaay dhowr mar waxay sheegtay in wadankeeda ay joogaan dayaalyahano Soomaali ah oo ka tirsan kooxda Al-Qaacida ee dalkaasi Yeman, waxaana sidoo kale jiray dad Soomaali ah oo ay qab qabteen ciidamada Amaanka wadanka Yemen,
Warkaan ay soo saartay Wasaarada Gaashaandhiga Dalka Yeman ee ah In ruux kasoo jeeda Soomaaliya uu falka qaraxa fuliyay waxaay dhibaato kasoo gaari kartaa dadka qaxootiga Soomaalida ee kunool Yeman.