Ragga uma fekaraan sida haweenka oo kale , waxaa suura gal ah in arin iska yar oo aan micno weyn laheyn in ay ka caroodaan ama eray ay haweeneyda ay kula kaftameyso ayaa laga yaabaa in ay murago giliso , hadaba gabaryaheey afartaan arin hakula kaftamin ninkaada .
In Uu Weynayo Tintiisa: guud ahaan ninka ragga waxa uu ka baqaa in mustaqbalka uu tintiisa waayo , hadaba ragga waa ay neceb yihiin in arintaan lagala hadlo xitaa hadii ay kaftan tahay .
In Aad Soo Hindisto In Aad Shaqeyso: ninka ragga waa uu neceb yahay in haweeneydiisa kala hadasho in ay shaqeyso oo ay banaanka u baxdo taasi badalkeeda wax ay raggu jecel yihiin in ay guriga joogto oo ay daryeesho caruurtiisa .
Hooyadiisa: Ha isku dayin in aad ninkaada kula kaftanto arimo la xariira hooyadiisa taasi si weyn ayay uga caroodaan xitaa waxa aad kula kaftameyso haddii ay yihiin wax sax ah ..
Qaladaadkiisa: Ragga ma aqbalaan marnaba in haweeneydu soo xasuusiso qaladaad horay uga dhacay , ogaaw taasi waa ay ka sii careeysiisaa ee il gaar ah u yeelo .