Saturday, May 25th, 2013
.

Daawo “Cadaan ku soo labistay Calanka Soomaaliyeed ka dibna si cajiib ah ugu Salaan saaray maalinta Qaranimada Soomaaliyeed (Daawo Muuqaal+Warbixin)

Published on June 26, 2012 by   ·   No Comments

Maalinta Qaranimada Somaaliyeed oo ay ka harsan tahay maalmo kooban ayaa waxaa Muuqaal cajiib ah soo saaray Dhalinyaro Soomaaliyeed iyo koox Cadaan ah oo ka qeeyb qaadatay dabaaldega maalinta Caalanka Soomaaliyeed.

Hees Cusub oo la magac baxday Calanka saara oo Caalamka geeya ayaa waxaa Calankeena Soomaaliyeed si toos ah ugu soo labistay Dhalinyaro u badan Cadaan kuwaas oo la sheegay inay u bogeen midabka Qurxoon ee Cirka iyo Xiddigta cad ka sameeysan .

Dhalinyaradaan oo Calanka Soomaaliyeed u Salaan saartay waxay sidoo kale si cajiib ah dhexda ugu xirteen Calankeena Soomaaliyeed kuwaas oo umada Soomaaliyeed ugu baaqay Nabad iyo horumar inay ku waaraan .

Dalalka Qurbaha gaar ahaan wadamada Yurub waxaa ku soo badanaya Caruurta yar yar ee Soomaaliyeed kuwooda jecel inay mar kasta xusaan Calankooda Hooyo waliba kor u qaadaan Sharaftiisa maadaama inta badan ay ku dhex nool yihiin Calamo kale oo ka dul babanaya dalalkii ay tageen ama Nabada u raadsadeen .

Muuqaalkaan oo Qiirad xambaarsan waxaa hubaal ah in qof kasta oo Wadani ah ay kici doonto Xaada maxaa yeelay Umada Soomaaliyeed qaarkeed Calanka ma siiyaan fursad ay ku hor marin karaan halka Caruurtii ama Dhalinyaradii dhalatay dagaalada sokeeye ay garteen taas badalkeeda iyaga oo ku nool dalal kale.

Calanka Saara oo Caalamka geeya waxaa soo saaray kooxda Dhalinta Walaalaha Sii Sii Somband oo inta badan looga bartay Heesaha Wadaniga ah ee kiciya Dhiiga dadka jecel Qaranimada Soomaaliyeed .

Arinta ugu yaabka badan ayaa eheed Dhalinyarada Cadaanka ah oo Qoorta ku xiratay Calankeena Soomaaliyeed iyaga oo kaxeenaya Gawaarida yar yar ee oradada waxeeyna taas kuu cadeeneeysaa Qiimaha iyo Sharafta uu kaa mudan yahay Calankaaga maadaama Qof aan Calan leheen uu yahay shaqsi aan Dal qabin

HomePage

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

We Love Fanaaniinta Sanadka”Like”

qisoj