Tuesday, June 18th, 2013
.

Topnews:- Faroole oo dhiiga ku karay “Afgambiga Hawiye iyo Isaaq waa in si deg dega looga hartago

Published on June 26, 2012 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Maamulka Puntland Mr Cabdiraxmaan Faroole ayaa shirkii London ku dhexmaray xubno kala metelayay TFG-da Shariifyada iyo Maamulka Siilaanyo ku tilmaamay mid halis badan oo qabiilada Hawiye iyo Isaaq kula wareegayaan toowrada sare ee Somalia.

 

Faroole oo la sheegay inuu shirkaas sas iyo walaac ku riday wuxuu telefoon kula hadlay Raksulwasare Gaas hasse yeeshee wada hadaladooda waxay ku dhamaadeen hanjabaad iyo aflagaado.

 

Sida ay Galcad24.com u xaqiijiyeen masuuliyiin la joogay labada dhinac wuxuu Faroole ku yiri Gaas “Sidee ku ogolaatay in Hawiye iyo Isaaq Isbaheystaan oo talada dalka la wareegaan miyaad la socon qorshahooda siyaasadeed,maxay qabtaan Sirdoonkaada hadaad ogeen in ujeedkoodu yahay sidii talada dalka ula wareegi lahaayeen”


 

Ra”isulwasare Gaas ayaa ugu jawaabay “Arrinka waxaa wata beesha Caalamka ,wuxuuna ujeedku yahay in Isaaqa lagu qasbo Midnimada Somalia,ka hor kumeel gaarka,iyaguna waxay dalbadeen in jaanis la siiyo ,tan ku saabsan Hawiye iyo Isaaq,meesha ma taalo,anigaa magacaabay Wasiir Cabdisamad,waxaana la socda rag Daarood ah,Hartiya oo lagu kalsoon yaahay” Faroole ayaa ugu jawaabay Cabdi wali “Aniga ha iila hadlin sidaan Caruur ahay ee ninyahoow meesha ka muuqo ama ka maqnoow ” Gaas ayaa ugu jawaabay “aniga ha ii meerin shaqadeyda ee taada gudo ,oo doorashada Puntland u diyaar garoow” Faroole oo xanaaqsan baa yiri “Awalba Dhuusamareeb ayaad ku dhalatay ,waan kaa warqabaa,arrimaha Puntland ka bax” Telefoonka ayey isku damiyeen ,sida la sheegay .

Faroole oo hadalka Gaas ka sii Carooday ayaa la sheegay inuu xiriir la sameeyay Madaxweynaha Kililka 5-aad ee Somalida Ethiopia Mr Ileey hasse yeeshee wuxuu kala hadlay si rasmiya looma helin.

Kelmada afka Faroole laga fujin waayay waxay noqotay “Afgambiga Hawiye iyo Isaaq waa in si deg dega looga hartago”  Cabdiraxmaan Faroole wuxuu isu muujinayaa inuu yahay Oday u heelan danta Daarood balse waxay dad badan ku tilmaamaan inuu yahay Danleey ,waxaana taasi marqaati looga dhigay inuu Somaliland ula saaxiibay sidii loo burburin lahaa Maamulka Khaatuma State ee beesha Dhulbahante dhisatay.

galacad

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

LIKE SAAR BOGGA GALCAD24.COM

qisoj