Cartooniistaha caanka ah ee Amin Arts ayaa mar waliba Bogiisa soo dhiga Sawiro layaab leh uu inta badan ku cabiro siyaadaha dalka ka jira iyo waxyaabaha muhiimka ah uu doonayo in uu Dadka u iftiimiyo.
Dhawaan waxa uu soo sawiray sawir gacmeed uu kasameeyay isbadalka iyo wajiga Cusub ee la imaan karaan Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo labaduba la sheegay in ay u sharaxanyihiin in Madaxweyne noqdaan Doorashada soo socota .
Sawirka uu sameeyay Amin Arts ayaa waxa uu ku lifaaqay codsigaa ahaa beesha Caalmaka in wajiyo cusub laga dhax arko siyaasada Soomaaliya gaar ahaan Doorashada Madaxweynanimo ee la filayo in 20-Agoust ee ka dhacdo Dalka Soomaaliya.

