Johannesburg (Galcad24)WARAABOWGA (Syphilis) Waraabowga wuxuu kamid yahay cududrada laysku qaadsiiyo galmada,
Waxaana keena baktiiriya layiraahdo (Treponema Pallidum).
Cududrkan waraabowga waxaa lagu kala qaadaa:
Waraabowgu waa cudurada lagu yaqaanno magaalooyinka, gaar ahaan magaalooyinka ku yaalla xeebaha ee dekedaha leh. Dalkeenna waraabowgu wuxuu inakasoo galay dhinaca xeebaha oo ahaa xarumo badmaaxyadu kusii hakin jireen oo kusii ki dhixi jireen, waxay halkaa ka heli jireen huteello ay seexdaan, khamri iyo dumar ay la tuntaan.
Waraabowga maskaxda (neurosphilis)
Astaamaha lagu arko waraabowga maskaxda waxay ku xidhan tahay kolba maskaxda qaybta dhaawucu soo gaadho. Waraabowga maskaxdu wuxuu noqon karaa mid dhaawaca xuubka ku dahaadhan maskaxda u dhexeeya makxda iyo lafta madaxa, wuxuuna keeni karaa qoorgooye (meningitis). Astaamaha lagu garto qoorgooyaha waxaa kamid ah, madax xanuun daran, dawakhaad, qofka oo dayooba, tamar darro, aragga oo daciifa, qofka oo suuxa iyo ugu dambayn qofka oo dhinac qalalo.
Waraabowga xangulaha (tabes dorsalis).Waxaa dhici karta in waraabowgu gaadho xangulaha (maskaxda ku jirta lafta dhabarka). Astaamaha ugu horreeya ee qofku isku arko waxaa ka mid ah:
Marxaladda saddexaad waxaa soo gaadhi karaa qofka in akhlaaqdiisa, la socodka bulshada iyo habka uu u fakaro ay wax weyni iska beddelaan. Qofku wuxuu noqdaa qof aan dabeecad liyo dulqaad toona lahayn, aan xukumi Karin waxa kasoo baxa afkiisa. Wuxuu noqdaa qof dabeecadda ka aradan. Soomaalidu qofka ay ka yaabaan dabeecad xumadiisa iyo cadho badnaantiisa waxay yidhaahdaan hebel ma isfiilatuu qabaa?
Hooyada uurka leh iyo waraabowga
Hooyada qabta waraabowga waxay u gudbin kartaa xanuunka ilmaheeda oo ku dhalan kara cudurkii .Waxyeelada soo gaadha ilmaha waxay ku xidhan tahay kolba marxaladda ay hooyadu ku sugan tahay, sida:
- wadno xanuun
- dhego la’aan
- cudur maskaxda kaga dhac ilmaha.
Baadhitaanka laga fuliyo xarumaha caafimaadka hooyada iyo dhallaanka waxaa ka mid ah in hooyada uurka leh laga baadho waraabowga Baadhitaanka cudurka waraabowga wuxuu noqday sanadahan dambe mid aad u fududd oo laga heli karo dhammaan xarumaha caafimaadka, isla markaana natiijada baadhitaanku waa mid lagu kalsoon yahay, waxa loo yaqaan afka qalaad RPR (Rapid Plasma Reagin). Waxaa jira baadhitaanno kale oo lagu ogaado waraabowga laakiin ku qaaliya bulshadeenna , sida (TPHA-Treponema pallidum hemagglutination assay)
Dhammaan dadka qaba cudurka waraabowga waa in laga baadhaa cududrka HIV maadaama labada cududrba lagu kala qaado galmada waxaa suurto gal ah in si wada jir ah loo wada qaado.
Waxaan ku waaninayaa qofka isku arka astaamaha marxaladda koowaad ee cudurka inuu sida ugu dhaksaha badan ugu dhakhtarka, waayo marxaladdan waxaa ku filan in qofka la siiyo irbad antibiyootig ah (Penicillin), qofkuna xanuunkii wuu ka bogsadaa.
W/D:Wariye:Mohamed Abdikadir ilmi Amoore
Email:Maxamedcc7@hotmail.com
Email:Mohamedcc7@hotmail.com
Tell:0027786733480