Wednesday, May 22nd, 2013
.

Cudurada Galmada Lagu Qaado(Sexually Transmitted Diseases-STD)Cudurka Waraaboowga

Published on June 29, 2012 by   ·   No Comments

Johannesburg (Galcad24)WARAABOWGA (Syphilis) Waraabowga  wuxuu kamid yahay cududrada laysku qaadsiiyo galmada,

Waxaana keena baktiiriya layiraahdo (Treponema Pallidum).

Cududrkan waraabowga waxaa lagu kala qaadaa:

  • Galmada  sida AIDS ka
  • hooyada qabto oo ilmaheeda u gudbisa markay uurka leedahay
  • Waxaa kaloo laysugu gudbiyaa dhiigga, gaar ahaan marka qofka dhiigga bixinayaa ku jiro maraxaladaha hore ee cudurka.

Waraabowgu waa cudurada lagu yaqaanno magaalooyinka, gaar ahaan magaalooyinka ku yaalla xeebaha ee dekedaha leh. Dalkeenna waraabowgu wuxuu inakasoo galay dhinaca xeebaha oo ahaa xarumo badmaaxyadu kusii hakin jireen oo kusii ki dhixi jireen, waxay halkaa ka heli jireen huteello ay seexdaan, khamri iyo dumar ay la tuntaan.

  • Astaamaha cudurka Isku celcelis, astaamaha waraabowgu waxay bilaabmaan 3-4 todobaad kadib marka baktiiriyadu soo gasho jidhka. Cudurka waraabowgu wuxuu soo maraa sadeex marxaladood, oo ah marxaladda koowaad, labaad iyo ta saddexaad
  • Marxaladda koowaad Marxaladdan, waxaa kasoo baxa cawrada ninka ama haweeneyda fin yar (chancre) oo aan damqasho lahayn, laakiin dheecaan leh iyo qanjo barar aan damqasho lahayn. Wuxuu finkani kusoo baxaa inta u dhexeysa 9 beri ilaa 3 todobaad kadib marka baktiiriyadu soo gasho jidhka. Haweenku nabarkaas ma dareemaan, waayo wuxuu ku yaalaa dhinaca gudahaha ee cawrada, arrintani waxay keenta in dumarku si fudud cudrkii u gudbiyaan, waayo ma dareensana inay xanuunsanayso. Finku iskii buu u bogsdaa 4-6 todobaad kadib iyadoo aan qofka la siin wax dawo ah haba yaraatee, wuxuu xanuunku u gudbaa marxaladda labaad ee waraabowga.
  • Marxaladda labaad (Secondary stageMarxaladdan waxaa jidhkoo dhan kasoo yaacaa finan yaryar 6 ilaa 12 todobaad kadib marka qofku xanuunka qaado. Finanka waraabowga waxaa lagu gartaa waxay kasoo baxaan jidhkoo dhan, xataa calaacalaha gacmaha iyo baabacooyinkaba lugaha, waxaa kaloo finanku kasoo baxaan afka gudihiisa, waxaa sidoo kaloo qofka lagu arkaa qanjo barar jidhkoo dhan. Haddaan qofka sida ugu dhakhsaha badan loo daweyn wuxuu galaa marxalad cusub oo loo yaqaan marxaladda huursanaanta (latent infection) oo ka dhigan in qofka aan lagu arkayn wax calaamado ah, waxay qaadata sanado badan ama waxay noqon kartaa inta noloshiisa ka hadhay.
  • Marxaladda saddexaad (Tertiary Stage) Maraxaladan saddexaad qofku cudurkii ma gudbiyo, laakiin waxaa waraabowgu jidhka soo gaadhsiiyaa dhaawacyo khatar ah, gaar ahaan xubnaha ay ka mid yihiin lafaha, wadnaha iyo maskaxda iwm.

Waraabowga maskaxda (neurosphilis)

Astaamaha lagu arko waraabowga maskaxda waxay ku xidhan tahay kolba maskaxda qaybta dhaawucu soo gaadho. Waraabowga maskaxdu wuxuu noqon karaa mid dhaawaca xuubka ku dahaadhan maskaxda u dhexeeya makxda iyo lafta madaxa, wuxuuna keeni karaa qoorgooye (meningitis). Astaamaha lagu garto qoorgooyaha waxaa kamid ah, madax xanuun daran, dawakhaad, qofka oo dayooba, tamar darro, aragga oo daciifa, qofka oo suuxa iyo ugu dambayn qofka oo dhinac qalalo.

Waraabowga xangulaha (tabes dorsalis).Waxaa dhici karta in waraabowgu gaadho xangulaha (maskaxda ku jirta lafta dhabarka). Astaamaha ugu horreeya ee qofku isku arko waxaa ka mid ah:

  • Qofka oo qaarka hoose ka dareema xanuun sidii seefo lala dhacayo oo kale.
  • Wuxuu gaadhaa qofku in qiyaastu ka lunta oo uu caadi isu taagi kari waayo,gaar ahaanhabeenkii .Arrintani waxay sababataa in qofku markuu sococnay uu lugaha kala fogeeyo si aanu u dhicin
  • Qofka waxaa ku dhaca gariir jidhkoo dhan ah taasoo keenta in qofku waxba qori kari waayo.
  • Qofka waraabowgu kaga dhaco maskaxada ku jirta lafdhabarka (xangulaha) waxaa lasoo dersa dhibaato dhinaca kaadi mareenka, qofku ma dareemo in kaadi haystii buuxdo, arrintana waxay keentaa in kaadidii muddo dheer ku jirto kaadi haysta, kadib caabuq ku yimaadda kaadi mareenka.

Marxaladda saddexaad waxaa soo gaadhi karaa qofka in akhlaaqdiisa, la socodka bulshada iyo habka uu u fakaro ay wax weyni iska beddelaan. Qofku wuxuu noqdaa qof aan dabeecad liyo dulqaad toona lahayn, aan xukumi Karin waxa kasoo baxa afkiisa. Wuxuu noqdaa qof dabeecadda ka aradan. Soomaalidu qofka ay ka yaabaan dabeecad xumadiisa iyo cadho badnaantiisa waxay yidhaahdaan hebel ma isfiilatuu qabaa?

 

 Hooyada uurka leh iyo waraabowga

Hooyada qabta waraabowga waxay u gudbin kartaa xanuunka ilmaheeda oo ku dhalan kara cudurkii .Waxyeelada soo gaadha ilmaha waxay ku xidhan tahay kolba marxaladda ay hooyadu ku sugan tahay, sida:

  • Haddii ay hooyadu qaaddo xanuunka bilaha hore ee uurka waxaa suurtowda in ilmuhu kasoo dhaco,
  • Haddii ay hooyadu qaaddo cudurka bilaha dambe ee uurka,wuxuu ilmuhu ku dhashaa dhibaatooyin caafimaad oo khatar (congenital syphilis),sida:

-          wadno xanuun

-          dhego la’aan

-          cudur maskaxda kaga dhac ilmaha.

Baadhitaanka laga fuliyo xarumaha caafimaadka hooyada iyo dhallaanka waxaa ka mid ah in hooyada uurka leh laga baadho waraabowga Baadhitaanka cudurka waraabowga wuxuu noqday sanadahan dambe mid aad u fududd oo laga heli karo dhammaan xarumaha caafimaadka, isla markaana natiijada baadhitaanku waa mid lagu kalsoon yahay, waxa loo yaqaan afka qalaad RPR (Rapid Plasma Reagin). Waxaa jira baadhitaanno kale oo lagu ogaado waraabowga laakiin ku qaaliya bulshadeenna , sida (TPHA-Treponema pallidum hemagglutination assay)

Dhammaan dadka qaba cudurka waraabowga waa in laga baadhaa cududrka HIV maadaama labada cududrba lagu kala qaado galmada waxaa suurto gal ah in si wada jir ah loo wada qaado.

Waxaan ku waaninayaa qofka isku arka astaamaha marxaladda koowaad ee cudurka inuu sida ugu dhaksaha badan ugu dhakhtarka, waayo marxaladdan waxaa ku filan in qofka la siiyo irbad antibiyootig ah (Penicillin), qofkuna xanuunkii wuu ka bogsadaa.

 

W/D:Wariye:Mohamed Abdikadir ilmi Amoore 
Email:Maxamedcc7@hotmail.com
Email:Mohamedcc7@hotmail.com
Tell:0027786733480 

HomePage

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

We Love Fanaaniinta Sanadka”Like”

qisoj