Thursday, May 23rd, 2013
.

Wiil Soomaaliyeed oo Habeen Walba Jacel in uu Todobo Gabdhood La sheekaysto. Sheeko Xiiso Badan

Published on July 2, 2012 by   ·   No Comments

 

C/Naafac Maxamuud Xalane Waa wiil dhalinyara ah oo ku nool Xaafada islii Ee Magaalada Nairobi

Waxaa uu iiga sheekayay Qiso Aan la yaabay waxaana filayaay in dad badan ay  la yaabi doonaan waxaana sheekadaani ay tahay  mid saamayn ku yeelatay nolashiisa marka aad u fiiriso sida uu u xiisaynayo iyo sida uu ugu faraxsanyahay .

Hadaba Sheekdu Waa ay u dhacaysaa Sidaan

Naafac Waa wiil Aad u jecel la sheekaysiga Dumaraka waxaa mar walba uu ku hamiyaa in uu  midba mida ay ka quruxbadantahay Gabdha  uu la yeesho xariir  isla markaana uu waqti badan la qaato.

C/Naafac waxa uu jecelyahay halkii habeen in uu la kulmo 7 gabdhood oo kala nuuc ah Da’yar ah mid kastana uu ugu sheekeeyo in uu iyada kaliya jecelyahay lana sheekaysto oo uusan xariir kal ela heyn  waxa uu wataa 7 Taleefoon mid walbana mid gaar ah ayuu kala hadlaa.

Waxaan Waydiiyay Su’aal aheed Seed Taleefoonada Ugu qaadaa Jeebka Madaama ay tiro badanyihiin oo  aysan Macquul aheyn in Todobo Taleefoon hal qof jeebkiisa ku qaado? Waxaa uu yiri Runa haantii waxa marka aad dabeecad haan u leedahay way sahlantahy Aniga Taleefoonada waxaan isticmlaa yar yar jeemis ayana qaataa inta badana jeemiska wax lagama fahmi karo mid markaan u tagana kuwa kale oo dhan Sailanti ayaan iska saaraa ama codka ayaan ka xiraa.

Waxaan kaloo waydiyay Iminka Meeqo dumar ah ayaad Xariir la leedahay waxaana uu ii sheegay in uu hada la socdo Todobo Gabdhood dhamaantoodna ku nool Xaafada islii isla markaana aan iska war qabin waxaana uu intaasi iigu daray in  uu ku faraxsanyahay.

C/Naafac Maxamuud Xalane waxa uu waqtigiisa inta badan siiyaa Gabdhaha Faraha badan ee uu Saaxiibka la yahay  waxaana inta aan la joogay u soo dhacyay Taleefoona fara badan ma hubo in ay ahaayeen  dumarka uu Xariirka la leeyahay laakin waxa ay ahaayeen dhamaantood dadkii soo wacayay dumar .

Hadaba Sheekadaan oo ah mid aad u xiisa badan isla markaana La yaabkeeda Watada Qaybtii Koobaad intaas ha inoo Joogto Qaybta Labaad La Sco

Xasan Sh.Cumar 

Bnshiiq1@gmail.com

Nairobi-Kenya

+254-721-154-659

HomePage

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

We Love Fanaaniinta Sanadka”Like”

qisoj