Friday, May 24th, 2013
.

75 jir weli aan raaxada galmada ka dhargin, Waa kuma kaasi??

Published on July 4, 2012 by   ·   1 Comment

R/wasaaraha Talyaaniga Berlosconi ayaa lagu eedeynayaa Inuu galmo la sameeyay inan aad u da’ yar, taas oo lagu sheegay inay jirto  17-sano.

Xeer ilaaliye jooga magaalada Milan ee caasimadda labaad dalka  Talyaaniga ayaa amray in R/wasaarahe  Sivio Berlusconi la soo taago maxkamad, isagoo lagu eedeynayo inuu lacag bixiyay si uu ula seexdo gabar 17 jir ah, markii la ogaadayna uu isku dayay inuu qariyo, isagoo isticmaalaya awoodiisa.

Sida sharciga Wadamada Yurub ee caruurta ayaa ah inay ku qaan gaaraan da’da 18 jirka, iyadoo qofkii da’ weyn ee u galmooda inan ka yar da’daasi sharciga lagu qaado.

R/wasaare Berlusconi ayaa tibaaxay in eedeynta loo soo jeediyay ay tahay mid aan sal iyo raad toona laheyn , halka sidaa si lamid ahna ay beenisay gabadha lagu eedeeyay in ay wada seexdeen.

Arrintan ayaa noqotay mid si weyn ay u hadal hayaan Warbaahinta Wadamada Yurub, iyadoo Wargeysyada iyo Tvyada ay aad u hadal hayaan dacwada loo heysto R/wasaare Berlusconi.

HomePage

Readers Comments (1)

  1. kkkkkkkkkkkkkkk ama loooooooooooooolz

You must be logged in to post a comment.

We Love Fanaaniinta Sanadka”Like”

qisoj