Kulan wanaagsan Saaxiibayaal Meel Walba oo aad Joogtaan Ku soo dhawaada Xubinteenii Arimaha Jaceylka oo aan Xiligaan Ku soo Qaadan Doono Qiso Jaceyl oo Dhab ah Lana Magac Baxday”Waan Aaminay Aniga Balse Waa i Qiyaantay
Magaceeygu Waa Axmed Cali faarax kuna Magac dheer (Taani) waxaan ku dhashay Magaalada Ceel garas ee Gobolka Gal Gaduud qisadaan ayana igu dhacday.
waxay ahayd horaantii sanadkii tagay markii ay walaasheey oo sacuudiga ku nool i bartay inan guriga la daganeeyd, isbarasho iyo xiriir bilo ah kadib waxay inantii la i baray ii sheegtay in ay iga heshay jaceeyna ay ii qaaday ana waan ka aqbalay.
Sacdiyo oo ah inanta niyadeeyda sida dhayalka ah ku dagtay ayaan hiloow iyo kalgaceeyl ana u qaaday’waxaan wehel ka dhigtay la hasaawideeda aalada internetka dhexdiisa.
waxaan noqday maqane jooge ‘shaqadii iyo fir fir coonidii la igu yaqaanay ayaa culeeys iyo wehsi iga fuushay’waxaana bilaabay inaan habeen kasta ku qarwo’habeenkasta waxaan ku qarash gareeyn jiray si aan telfoon ugu diro 10$ hadii anan codkeeda maqalna maba hurdi jirinintaas kadib waxay iga codsatay in aan raqam sirigeeyga (pasword)siiyo si ay uga qanacdo in aanan xiriiro kale aanan gabdho la lahaynana waan ka aqbalay oo waan siiyay’mudo kadibna keeda ayeey isiisay’inta akadib waxaan waayay xiriirkeedii waxay badalatay raqamkii ama telfoonkii ana ku aqaanay internetkana maba soo gasho markii aan xiriirkeedii waayay ayaan bilaabay in ana furo cinwaan keedii lakiin maxaa dhacay.
waxaa durbadii aan furay cinwaankii fariimo igu soo fatahay sidii daad wiil markii dambe ii sheegay in uu isna sanad jeclaa ‘midaasna waxaa iiga sii darneeyd iigana xanuun badneeyd markaan arkay fariin ay wiil ugu sheekeeyneeyso sida ay u damacsan tahay in ay rabto in ay labo shimbirood hal dhagax ku disho oo ay rabto in labadeenaba nawada hanato akhristoow ogoow ana waan isku haleeyay oo niyada ayaan u furay oo iga raacday ee tollow maxaan sameeyaa madaama qofkii aan aaminay ay i qiyaantay ha baqiilin taladaada tallo waa tii allee…
www.galcad24.com
C/qani Axmed Abtidoon
Email:- abtidoon143@msn.com
Xafiiska Wararka Galcad24.com
Muqdisho Soomaaliya
Galcad24@hotmail.com