Wednesday, June 19th, 2013
.

Fanaanka Cabdi Tahliil iyo Askar ku dhaawacantay dagaalada oo xaalad caafimaad dibada loogu qaaday

Published on August 7, 2012 by   ·   No Comments

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta dalka dibadiisa xaalad caafimaad ugu qaaday Fanaanka Cabdi Tahliil Warsame iyo Askar ka tirsan dowladda oo ku dhaawacmay dagaalada ay kula jiraan Al-Shabaab.

Fanaan Cabdi Tahliil oo in muddo ah xanuunsanayay, isla markaana horaantii sanadkan dhaawac ka soo gaaray Is rasaaseyn dhex martay Ciidamada dowladda ayaa horay waxaa xaaladiisa aheyd mid aad u liidatay, gaar ahaan aragiisa oo aan wanaagsaneyn, sidoo kale xanuunka dhiir-karka ay ka naafeeyeen lug iyo gacan.

Fanaanka iyo Askarta ayaa loo qaaday dalka isu taga Imaaraadka Carabta, halkaas oo todobaadkii la soo dhaafay askar xaaladooda caafimaad gudaha dalka wax loogu qaban waayay loo qaaday markii dagaalada ay ku dhaawacmeen.

Askarta la dhoofiyay oo gaarayay ilaa lix oo ay ku jireen Saraakiil, ayaa dhaawacyadooda ay aheyd mid aad u culus oo ka soo gaaray dagaalada ka dhacayay Magaalada Muqdisho iyo Gobolada ku dhow dhow.

Abuukar Xuuti oo u qaabilsan Wasaarada Gaashaandhiga dhoofinta Askarta ka dhaawacanta ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu lahaa dadaalka iyo fududeynta Askarta dibada loo qaaday, isagoo u rajeeyay in caafimaadkooda uu taam noqdo.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa horay uga dalbaday Wasaarada Warfaafinta inay si deg deg ah wax ugu qabtaan Fanaanka Cabdi Tahliil oo ka mid ahaa Fanaaniinta Hoboladii Qaranka ee Waabari, kana mid ahaa Fanaaniinta aan dalka ka bixin mudadii bur burka.

Tallaabadan ayaa noqoneysa mid dhiira gelin u ah Askarta dowladda ka dhaawacanta, oo horay uga caban jiray daryeel la’aan xilliyada ay dhaawacmaan, waxaana ay noqoneysa markii u horeysay oo dowladda ay dibada daaweyn ugu qaado Askar ku dhaawacanta dagaalada.

galacad

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

LIKE SAAR BOGGA GALCAD24.COM

qisoj