Sunday, May 26th, 2013
.

Waa Mataano Dooqaygii Ayaa Raacay Ee Mideen Doortaa? Qiso Dhab ah

Published on August 8, 2012 by   ·   5 Comments

Caashaqa Ceeb Malaha Waana Caafimaad Hadii Dooqaaga Ku Siiyo qofkii Aad Jeclayd Marna Waa  Cudur Hadii aad Ku Guul Daraysato Qofkii Dooqaagu Raacay

Hadaba Qiso Dhab ah Isla Markaana Si Weyn U soo Jiidatay Shacabka Ayaa Ka Dhacday Xaafada Soomaalidu Ay Sida Weyn Uga Dagto Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya oo Loo Yaqaano Islii

Wiil Dhalinyaro ah  oo Lagu Magacaabo Maxamed Xasan Maxamuud Ayaa   Si Kama Ah U bartay Maalmo Kooban Gudahood Safiyo Iyo Saafi oo ah Labo Gabdhood oo Walaalo ah Isla Markaana Kala Dagan Labo Guri oo aan aad u kala Fogayn

Labadaan Gabdhood oo aan Is Ka War Qabin ayaa Mudo Bilooyin ah Waxay Wada Shukaansanayeen Maxamed Xasan Ilaahey Amarkii Labadooduba Si Saa’id ah Ayeey U Jeclaadeen.  Sidoo Kalena Maxamed Xasan Labadaasi Gabdhood Waxay U Naqdeen Sida Labadiisa Gacmood oo kale Midna Kama Maarmo. Xaajada Waxay Ka Badin Weysay In Guur  Lagu Wada Heshiiyo

Maxamed Xasan oo ah Wiil Bulshanimadu Ay U gashay Si aan Caadi ahayn Ayaa Talo Ku aadan Labadaasi Gabdhood Ula Yimid Wiil Saaxiibkii ahaa oo Internet Kulahaa Meel aan Sidaa Uga Fogayn Guriga Maxamed Balse Aqoon U leh Labadaasi Gabdhood

Maxamed Xasan ayaa Wiilkii Uga Sheekeeyay Xaalada La Soo Gudboonaatay Isla Markaana uu Doonayo Caawa In uu Wada Mehersado Labo Gabdhood Magacyadoodana Wuu u sheegay

Maxamed Saaxiibkiis Ayaa Madaxa Qabsaday Kuna Yiri Ma waalatay Ma Labo Gabdhood oo Walaalo ah Miyaad Mehersanaysaa?

Xaalada Maxamed Gacantiisa Way Ka Baxday Waxa uuna Akhristayaasha Galcad24.com Ka Dalbanayaa In ay La Taliyaan Maadaba Uu Labada Gabdhood Jecel yahay Midna Ka Maar Mi karayn 

 

 

HomePage

Readers Comments (5)

  1. maxamed xasan says:

    waxaan kula talinlahaa in aad labaduba guursato samigayga talo waa iga taaaaaaaasaaaaaaaaaaa byy aqristayaasha galcad.com

  2. Runtii waa qiso layaab leh lkn sxbka rabo in lala taliyo waxan u sheegayaa inuu jcylka dhabta ah yahey hal oo uusan u qeybsamin 2bo qof, maadaama aad adiga sad bursi sameysey sharecaduna aysan ogoleyn in leysla guursado 2ba qof oo walaalo ah. teda kale warbixinta kuma cado in 2da gabdhood ay ogyihiin inuu ka dhaxeeyo hal wiil,ugu dambeyn sxb waxan ku leeyahey qalbigaada ku noqo kaddibna midda sida dhabta ah kuu jecel kala bax.(waa qora Somaliyeed “SYL2.org/Xikmo.com”)

  3. Sxb waxaan ku dhihi lahay mid ha iska sawrto midna guurso runtane u sheeg ayaga isku tana suli dooneee

  4. Hibo wacan says:

    Wl wa qiso yab badan marka wxan ku odhan laha mid un kala so bax wxanad niyada ku haysa in anay bananayn dinta Islamka in laysku keno laba hablod o walalo ah bybybybyby

You must be logged in to post a comment.

We Love Fanaaniinta Sanadka”Like”

qisoj