Monday, May 20th, 2013
.

Booliska Isutaga Imaaraadka Carabka oo gacanta ku dhigay Nin isagoo Kumanaan kun oo Dollar haysta hadana tuugsanaya

Published on August 9, 2012 by   ·   No Comments

Ciidammada Bilayska Isu-taga Imaraadka Carabta ayaa xabsiga u taxaabay nin dawarsade iska dhigaayey, kaasoo ay jeebkiisa ka haleen AED 30,000 lacagta Imaraadka ah oo u dhiganta $ 8,167.69 doollar.

Ninkan oo 40 jir ah una dhashay dalkaPakistan waxaa la qabtay isaga oo garaacaayey albaab ka mid ah guryaha magaalada Sharjah si uu u dawarsado, una siiyaan lacag.
Waxa uu bilayska u sheegay inuu shaqadiisii waayey, kadibna fiisihii uu ku degena dalkaas uu ka dhacay, makrii ciidammada  dambi baaristu baareen jeebkiisa waxay ka haleen 30,000 Dirham, waxaannu caddeeyey inuu lacagtan ururinaayey bishii Ramadaan oo dhan, ? ayuu afhayeen bilayska u hadlay oo aan magaciisa la sheegeen u sheegay wargeyska The National ee ka soo baxa Imaraadka.
 Dadka ku dhaqan magaalada Sharjah ayaa lagu boorriyey inay soo wargeliyaan ciidammada bilaysk hadii ay arkaan dadka dawarsanaaya si baaritaan loogu sameeyo.
HomePage

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

We Love Fanaaniinta Sanadka”Like”

qisoj