Hadaan in yar dib uga noqdo dhaqankii iyo hidihii ay dumarka somalidu lahaan jireen,waxaa lagu tilmaami jiray in gabdhaha somaliyeed ay ahaan jireen kuwa ugu dhaqanka iyo guurka wanaagsan caalamkan aynu ku nool nahay.
Hadaba akhriste mudooyinkii ama sanadihii ugu danbeeyay waxaa isbedelay weyni ku yimid qaabkii ay isku guursan jireen ama isku xulan jireen dhalinyarada somaliyeed.
Waxaan jecelahay in aan manta maqaalkan kusoo qaado guur la’aanta wiilasha somaliyeed ee jooga gudaha somaliya iyo gabdhaha somaliyeed ee jooga isla gidha somaliya balse u hanqal taagaya in ay guursadaan raga qurba jooga ah.
Mudo badan oon u kuur galay arintan ayaa waxaan ogaaday in hablaha somaliyeed ee guurdoonka ah ay wakhti badan ku lumiyaan sidii ay mar uun ay nolosha ula qabsan lahayd raga qurba jooga ah iyaga oo muhiimka saaray sidii ay u tagi lahayd qurbaha.
Waxaa hubaal ah in dhalinta somaliyeed isku xulan jireen jacayl dhexmara labada qof ee nolosha qaybsanaya,qoyska labada lamaane ka soo kala jeedaan iyo in labada qof ee is guursanayaa ay mudo dheer kulmi jireen si uu midba midka kale uu u barto dhaqankiisa iyo dabeecadiisa u gaar ka ah.
Laakiin guurka manta ee qurba joogta iyo gabdhaha somaliya ku sugan ma eegaan xeerarkaasi aaynu kor ku soo xusnay,gabdhaha somaliya jooga intooda badan marka la yidhaahdo heblaayo waxaa ku doonaya in uu ku guursado nin qurbaha ku nool,su’aalaha ay ninka gabdhaha la soo doonay ay ninka weydiisa waxay tahay ninkaasi qurba joog passport ma leeyahay,wadanka u joogaa lacag badan ma leeyahay iyo ma ii kaxay karaa halka uu ku nool yahay Haday tahay America,Europe.
Gabdhaahaasi hadba waxay si fudud u ogolaataa guurka ninkaasi qurba jooga ah iyada oon eegin waa maxay ninkaasi mid aad nolosha la wadaagi karto mayahay ayay horey ka guursataa.
Guurkaasi isaga ah inta abdan waxaa la tilmaamaa in uu ku dhamaado fashilaad iyo isfaham la’aan.
dhamaan akhristayaal waxaa iaga su’aal ah maxaa la gudboon raga somaliyeed ee guurdoonka ah eek u sugan gudaha dalka somaliya meel walba ha ka joogee mar hadii gabdhaha somaliyeed 57% ay doonayaan in ay guursadaan raga qurba jooga ah eek u sugan Europe,America iyo Wadamada Hodanka ah.