Wednesday, June 19th, 2013
.

Rasaas xoogan oo goordhow lagu furay Banaanbaxayaashii soo dhaweynayay Farmaajo

Published on August 9, 2012 by   ·   No Comments

Wararka haatan ina soo gaaraya ayaa sheegaya in rasaas aad uxoogan lagu furay Banaanbaxayaal ka qeyb qaadanayay isu soo bax lagu taageerayay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Farmaajo.

Ciidamo katirsan dowlada KMG ayaa lasoo sheegayaa in ay rasaas xoogan la dhaceen dadkaas banaanbaxa samaynayay.

Goob jooge ayaa soo sheegaya in ku dhawaas labo ruux ay ku geeriyoodeen rasaastaas kuwa kalana dhaawacyo ay kasoo gaareen.

Kala carar ayaa ka dhacay halkii rasaasta lagula beegsaday dadka banaanbaxa samaynayay.

Xaaladda ayaa ah mid aad ukackiran Waxaana Banaanbaxayaasha ay hada kusii qul qulayaan Barxada Konis halkaas oo lafilayo in Farmaajo uu ka khudbeeyo.

galacad

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

LIKE SAAR BOGGA GALCAD24.COM

qisoj