Saturday, May 25th, 2013
.

Tuug Lacag Uu Xaday Inta Uu dabaq sare La Fuulay Sida Roobka Dusha Kaga Soo daadshay Dadkii Hoos Marayay

Published on August 9, 2012 by   ·   No Comments

Booliska Boqortooyada Urdun ayaa gacanta ku dhigay, nin tuug ah oo u dhacay farmashi xarun Islaami ah oo dadka lagu daweeya ku leedahay magaalada Camaan ee caasimadda dalkaas, kaas oo lacagtii farmashigaa taalay inta uu dhacay ka dibna la koray dabaqyada sare ee dhismahaas halkaas oo uu ka soo qubay isaga oo dadka hoos marayay goobtaasna ugu baaqayay inay gurtaan.

Booliska ayaa sheegay in ninkan oo ah dadka la qabatimay daroogooyinka iyo waxyaabaha maanka dooriya uu farmashigaa ku dhex dhuuntay, ka hor intaan la xirin ee aanay shaqaaluhu ka rawixin habeenimadii, markii laga wada baxayna inta uu kiniinadii uu doonayay ka dhergay ka dibna jabsaday qasnadii oo wixii lacag ku jiray kala baxay.

Ninkan ayaa markii uu dhamaystay tuugadii iyo sakhradiisi waxa uu koray qaybta sare ee dhismaha, halkaas oo lacagtii uu xaday inta uu afka ka furay, mar qura ka soo qubay, daaqada qolkii uu fuushanaa oo ku yaalay dabaqyada sare ee dhismahaas, waxaanu isaga oo sakhraansan dadkii jidkaas marayay ee ka soo baxay salaada subax iyo kuwii kalahayay ugu baaqay inay gurtaan.

Mid ka mid ah dadkii dhacdadan la kulmay ayaa warbaahinta u sheegay inuu aad uga yaabay, markii uu arkay qof xaga sare ee dhismaha fooqa farmashigaas ku yaalay oo uu hoos marayay uga dhawaaqaya, kaas oo markii ay kor u eegeena lacag ku soo af rogay isaga oo ku qaylinaya, gurta ka faa?iidaysta waa xaqal ciid iyo hadiyad aan idiin gartay.

Sida ninkaas goob jooga ahaa sheegay dadkii ayaa bilaabay inay kala boobaan, oo qof walba wixii gacmihiisu u qaadeen uu qaato, lacagtan ayaa u badnayd diinaarka dalkaas laga isticmaalo, kaas oo qiimihiisu aanu waxba ka hoosayn lacagta Yuurada ah, waxaanay dhacdadani sababtay in dad badani faraqa ka buuxsadaan lacag aanay filayn oo cirka uga soo da?day sida roobka oo kale.

Sida goob joogahaasi sheegay dadkii goobta ka ag dhawaa ayaa markii qof walba wixii uu qaadan karayay, qaatay cagaha wax ka dayay, hasa yeeshee waxa iyaguna ku war helay dad kale oo u dhawaa kuwaas oo goobta yimi, ka dibna waxa bilaabmay buuq iyo kala boob markii lacagtu yaraatay, taas oo sababtay in boolisku goobta yimaado, ka dibna gacanta ku dhigo ninkii falkaas ku kacay oo aad tabcaan u ah, kiniino badan oo uu cunayna maankiisa dooriyeen.

HomePage

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

We Love Fanaaniinta Sanadka”Like”

qisoj