Tuesday, May 21st, 2013
.

Xaaladda Magaaladda Beledweyne kadib qarax Khasaaro gaystay oo ka dhacay “Faah Faahin”

Published on August 9, 2012 by   ·   No Comments

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Balad Weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kaasoo lala eegtay ciidamada militeriga Itoobiya ee Balad Weyne ku sugan.

Wararka aynu heleeyno ayaa intaasi waxa uu ku darayyaa in Qaraxa noociisu uu ahaa nooca miinada dhulka la galiyo ah, islamarkaana qasaaro buuran uu kasoo gaaray Ciidamada Itoobiya ee iyagu qaraxa lala eegtay.

Ma cadda qasaaraha rasmiga ee Qaraxa kasoo gaaray askarta Itoobiyaanka ah xilli lagu soo waramaayo in Qaraxa uu dhacay markii Itoobiyaanka ay Biyo Dhaansi u jarsadeen bartamaha magaalada Balad Weyne.

Inta la og yahay Hal ruux ayaa dhimatay, Saddex kalena Dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii Ciidamada Itoobiya ay rasaas daran afarta koono ee magaalada ku rideen waqtigii uu dhacayay qaraxa.

Inkastoo Qaraxa Miinada ahaa ee dhacay uusan wax saameyn ah ku yeeshan isku socodka Gaadiidka iyo adeega Ganacsiga ee magaalada, hadana waxa ay Shacabka Soomaaliyeed ee magaalada ku sugan ay qabaan dareen xoog leh.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka dowladda KMG Soomaaliya iyo Saraakiisha Itoobiya oo ku aadan Qaraxa, mana jirto ilaa iyo iminka cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda qaraxaasi.

Magaalada Balad Weyne oo xarun u ah Gobolka Hiiraan ayaa marar badan waxaa ka dhaca Qaraxyo waa weyn iyo dilal toogasho ah, iyadoo maamulka dowladda KMG ee Gobolka aysan wali wax ka qaban ammaan xumada.

 

HomePage

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

We Love Fanaaniinta Sanadka”Like”

qisoj