Waqti badan waa iga khasaaray intaan meshaan soo fadhi weyna dad badanoo iga hooseeyay xag tacliin iyo xag dhaqaalaba waa kuwaan i dhaafay intaan soo taagnaa magaaladaan baas waligeyna aanan dhinac u dhaafin, maxay dad badan horumar gaareen guryo dhisteen, dadkooda wax tareen, guursadeen, halkaan anigu anoo 10 sano iyo ka badan shaqeynayay aan laba shilin isku qaban la’ahay.
Alla ciilkeeyga goormaan dhiisha faqriga jabin doonaa, bal aan is waydiiyo anigu horta maxaa iigu wacan oon u tahriibi la’ahay ? ma fuleynimo iyo naf jacayl bay iga tahay ma garanayo mise lacagtaa igu yaroo waxaan sugayaa inta wax isku kay duba dhacayaan waayo tahriibku laftiisu ma yareysto kumanaan dolar ayaa ku baxda, naftu mar bay baxdaaye aan go,aan rasmiyana gaaro igu filan intaan ka fakarayay ma baxdaa mise waad iska joogtaa, go’aanku waa laba midood.
Waa inaan faqriga tuuraa ama nafta tuuraa. !
Iskuma sheegayno Tahriibka iyo dhibkiisa iskumana sheegayno raafaadka jidka iyo waxa dhibaato ku xeeran waxanse waydiinayaa walalahayga qaaliga ah ee Tahriibka u taagan har iyo habeena wax kalena aan ku fakarin waxaad ogaataa in wuxuu Alle subxanahu watacala kuu qoray aadan marna seegayn waxaad kaloo ogaataa in riziq kuu qornaa uuna qof kale cunayn, marna maku fakartay naftaan aad leedahay iyadaan mustaqbal u doonayaa inaadan iyada silcin ka hor raaxadaad iyada u doonayso, ma lihid 10 nafood waa mid kaliya waxaad leedahay inaad ku khamaartana ilaahay kuma gelin. malaga yaabaa markaad Yurub tagto inay kuu noqon waydo sidaad fileysay iyo sidaad ku riyoonaysay malaga yabaa inaad ku baroorato Alla maxaa i keenay meshaan miyaan u soo maray wixii rafaad iyo silic aan soo maray, waxaa laga yaabaa inaad tiraahdo ma dhici karto ma cid Yurub ka cabanaysaa wali aragteen ? mise waxaad aragtay qof xitaa ka soo guurey oon dib ugu laaban, meesha malab baa yaalee aan malabkaas mar uun farta soo daree iga daa niyad jabka..
Qof walboo ku fakaraya Tahriib iyo inuu Yurub lug ku gaaro waa sida dadka qaar dhahaane waxaan kula dardaarmayaa naftaada ha halaagin. hadaad heleyso dariiq nabad ah ama wado sharci ah eed ku tagi karto kuma lihi ha aadin laakin dariiqyada qaar waa qar iska xoornimee iska jir , naftaadu xaq bay kugu leedahay wax walboo khatar ah inaad ku tijaabiso kuma haboona, waa qaali naftu dheeman iyo dahab xitaa laguma helo waa hibo ilaahay bixiyo waxana ku haboon qof walba inuu ka dhowro dhiboo dhan, hadaadse ku adkeysato go,aankaaga ah waa inaan dhiisha faqriga jabiyaa ama nafta tuuraa ama faqriga tuuraa kutalagal
wixii kaa soo gaara qar iska xoornimda aad u bareertay, hana ka shalaayin mar xeero iyo fandhaal kala dhaceen ee hadaad fursad haysataaye ka fakar dibna isugu laabo mar walbana xasuusnow
W/D:Canab Maxamed yare