Warar goordhaw aan helnay ayaa sheegaya in Saraakiil katirsan Ciidamada AMISOM ay gurigiisa ka kaxeeyeen Raizul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo Goordhaw.
AMISOM ayaana Framajao geesat Xarunta Xalane halkaas ay xiligan kulan Deg Deg ah kula qaadanayaan Farmaajo oo ku aadan arimaha amaanka iyo joojinta Dibad baxyada ay dhigayaan Taageerayaasha
Warar horey usoo baxay ayaa sheegayay in Farmaajo loo handaday xoogna looga saaray gurigiisa ,balse hada warar aan ka helnay ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Faamaajo uu ogolaaday shuruudo ay ku xireen Ciidamada AMISOM sidaana la filayo in Saacadaha soo socdo loogu soo celiyo Gurigiisa.
Wali si rasmi ah looma oga Sharuudaha ay AMISOM ku xireen Farmaajo ,hasa ahaatee arimahan ayaa kusoo aadaya xili Muqdisho shalay yimid Farmaajo Dadweynae fara badan oo tagaeerayaal u ahna kusoo dhaweeyeen dibad baxyo farxadeed inkastoo markii dambe la rasaaseeyay lana dilay Qaar kamid ah Taageerayaashiisa.