Sunday, May 26th, 2013
.

Ciidamadda Itoobiya oo maanta lagala wareegay fariisimihii ay ku lahaayeen Magaaladda Baydhabo

Published on August 10, 2012 by   ·   No Comments

Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya maanta lagala wareegay inta badan xarumihii ay kaga sugnaayeen gudaha magaaladda.

Ciidamada Itoobiya ayaa deegaanadda ay kusugnaayeen waxaa ay ku wareejiyeen ciidamada Amisom ee dhawaan la geelayay Magaaladda.

Saraakiil katirsan maamulka dowada ee gobolka Bay  ayaa sheegay in ciidamada Amisom ay maanta inta badan la wareegeen xarumihii ay Itoobiya kaga sugneyd Magaaladda amaankana ay iyaga sugi doonaan.

Xarumaha ay Ciidamada Itoobiya baneeyeen ee lagu arkay kuwa Amisom ayaa waxaa kamid ah  Warshaddii Abukaate Xasey ee Magaalada Baydhabo, oo ay Xaruun Militari ka sameysteen Ciidamadda Itoobiya, markii 22-kii bishii Febraayo ay Magaalada Baydhabo kala wareegeen Xoogaga Shabaab.

Ku dhawaad 1500 oo askari ayaa Amisom ka jooga Magaaladda Baydhabo waxaana lagu wadaa in ciidamadaas la gaarsiiyo ilaa 4 kun waxaana loo sii kala qeybin doonaa magaalooyin kale oo Bay iyo Bakool katirsan.

 

HomePage

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

We Love Fanaaniinta Sanadka”Like”

qisoj