Saxafiga caanka ah ee Yuusuf Garaad ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaaladda Muqdisho, iyadoona dad badan ay maanta kusoo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho.
Tifaftirihii hore ee Idaacadda BBC-da Yuusuf Garaad ayaa dadkii soo dhaweeyay waxaa kamid ahaa siyaasiyiin iyo dad kale oo caan ka ah magaaladda Muqdisho.
Markii uu soo gaaray Magaaladda Caasimadda ah ayaa Yuusuf Garaad waxaa uu saxaafada uga warbixiyay socdaalkiisa Magaaladda Muqdisho waxaana uu sheegay in qorshahihiisa uu yahay in uu ku biiro siyaasadda Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in mudo badan ay ugu danbaysay Soomaaliya, haatana uu doonayo in uu ka qeyb qaato sidii dalka uu gacahiiisa isugu taagi lahaa.
Waraysi uu dhawaan bixiyay Yuusuf Garaad ayaa waxaa uu sheegay in uu doonayo in uu ku biiro Siyaasadda Soomaaliya, waxaana loo badinayaa in uu kamid yahay MUsharaxiinta madaxweyne.
Hoos ka daawo Sawiradda
War waa barwaaqo imaatay
ninkaaan waa nin afahan ah
waa laga yaabaa in uu dalka wax u qabto
yuusuf garad oo ahaa madixi lanta afka soomaliga ee BBC da waxa lagu baratay 20 sano ee uu kashaqaynayay lanta afka somaliga ee BBC da qabyaalad iyo cadiifad qurun ah oo umada somaliyeed kalafogaysay asagoo kashaqayn jiray sidii uu isaga horkeeni lahaa siyaasiyiinta iyo qabaa’ilka soomaaliyeed yuusuf garaad oo soomalidu utaqaan qabqablihii qarsoonaa (hiden crimper) ayaa haatan oo uu shaqadi suxifinimo uu iskaagatagay waxa uu shaca kaqaaday iin uu siyaasadda kubiiridoono hadaba maxaa lagafilayaa ninki sidaas lagu baratay soomaliyey……..??????????
Waxaan aad kugu faraxsanahay inuu maanta dalkiisa dib ugu soo labtay saxafiga caan baxay ee somaliyeed yusuf garaad cumar. Waa nin aan dhiig faraha ku lahayn. Soo dhawoow mudane.
wariyawalba waax inu shego washaqdisa waliba yusuf garad waxu jogay wadan sharcika jira waxu doonana mashegi jirin tasna ben ayad ku shegtay ee kuwa waxa ay hubin malin waalba so qorayo qof nolna dhimasho kushegayo kuwas aya wax usheg u bahan ee lahadal kuwas hadaba enrji heysid
hadalka 7 SUALAHANA WAA SHAQADISA