Thursday, May 23rd, 2013
.

Laba Wiil oo lagu dilay South Africa. Daawo Sawiradaan”

Published on August 10, 2012 by   ·   No Comments

Laba wiil oo Soomaali ah ayaa caawa lagu dilay degaanka Bishok Lives ee hoos tagta magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa, iyadoo labadani wiil la dilay xili ay isku diyaarinayeen afurka ayna dejinayeen alaab ay u wadeen dukaanka ah lahaayeen.

Labadani marxuum ayaa lagu kala magacaabaa Cabdi Tifoow iyo Sheekh Bashiir waxana shabakada  Galcad24.com oo goobta tagtey loo xaqiijiyey in labadani marxuum uu midkood ahaa marti ku ahaa dukaanka.

Waxa xusid mudan oo ay shabakada Galcad24.com  ogtahay in goobta lagu dilay ay ahayd meel uu ka taagnaa buuq iyo isqabqabsi u dhaxeeya ganacsatada Soomaalida iyo koox maafiyoos ah oo isku magacaawday GAANGIISTER oo aysan jirin cid loodin karta xooga ay dalka ku leeyihiin iyadoo biliiska xitaa ay wejiga ka leexsadaan markii ay falalka nuucaan oo kale ay qabanyaan.

Aqristayaasha Galcad24.com waxa usoo bandhignay sawiro iyo muuqalo muujinayo barakacii iyo boobkii loo geystey isla degaankani, bil uun ka dib ayay dib ugu laabteen qaar ka mid ah Soomaalidii la barakiciyey, dad badani oo aan waraysanay ayaa noo sheegay in arintaasi ay daba socoto dilka caawa dhacay.

C/laahi Yariis oo ka mid ah ganacsada degaanka kana mid ahaa dadkii usoo gurmaday dhibka dhacay ayaa shabakada  Galcad24 u sheegay in ay arintani tahay musiibo isla markana ay dowlada Koonfur Africa gacmaha ka laabatey.

Maxamuud Guutaale oo isagane aan kula kulanay goobta kana mid ah nabadoonada Soomaalida South Africa ayaa  Galcad24  u sheegay in arinta ay faraha kasii baxayso maadama la cirib tirayo dhalin yaradii Soomaaliyeed oo ganacsi iyo hormar ka samaynayey wadankani Koonfur Africa.

Bahda  Galcad24 oo isku duuban ayaa waxay tacsi u diraysaa dhamaan eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen labadani marxuum oo naloo sheegay in ay ahaayeen ilmo habaryar taasi oo aad dareemi kartid xanuunka ay ku leedahay waalidiinta iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen muwaadiniintani.
Daawo Sawirada Galcad24.com Ay Ka Soo Qaaday Falkaasi

HomePage

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

We Love Fanaaniinta Sanadka”Like”

qisoj