Saturday, May 25th, 2013
.

Shariif iyo Siilaanyo ku heshiiyay in wasiirka koowaad ka yimaado Somaliland

Published on August 10, 2012 by   ·   1 Comment

Warar aanu ka helnay ilo ku dhow dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay heshiis qarsoodi ah ku gaareen in wasiirka koowaad ee Soomaaliya uu ka yimaado dhanka Somaliland marka madaxweyne Shariif uu ku guuleysto kursiga madaxweynenimada.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in labada madaxweyne ay isla garteen si wada hadallada labada dhinac loo fududeeyo ay muhiim tahay in Somaliland ay awood muuqata ku yeelato siyaasadda Soomaaliya. Madaxweyne Siilaanyo ayaa soo jeediyay in wasiirka koowaad loo magacaabo Dr. Maxamuud Cabdullahi Jaamac Sifir oo hadda ah safiirka Somaliland u fadhiya Kenya.
Madaxweyne Shariif ayaa soo dhoweeyay aqoonyahankan oo ay soo wada shaqeeyeen xilligii maxaakiimta oo uu Dr. Sifir ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenkii TFG ha yeeshee si dhow ula shaqeeyay garabkii TFG ee Muqdisho joogay iyo waliba maxaakiimtii islaamiga. Arrintan ayaa lagu warramayaa inay si weyn uga careysiisay siyaasiyiinta Puntland gaar ahaan Faroole iyo Gaas oo iyagu u arka in heshiiskan uu meesha ka saarayo cududdii siyaasadeed ee ay ku lahaayeen dalka.
Si kastaba ha ahaatee siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed iyo waliba bulshada caalamka ayaa soo dhoweeyay in isbaddal noocan ah lagu sameeyo siyaasadda ibo xirantay ee Soomaaliya. Somaliland ayaa ku guuleysatay inay nabad iyo hannaan dowladeed ku hagto dhulkeeda iyadoo khibraddaasina ay wax weyn ka tari karto soo celinta qaranimada Soomaaliya haddii si feejigan looga faa’ideysto.

HomePage

Readers Comments (1)

  1. Generous says:

    Rayigaan waa ra’yi wngsn san u arko dhankayga majirto bel mel ucabirantahay ..

You must be logged in to post a comment.

We Love Fanaaniinta Sanadka”Like”

qisoj