Koox rag ah oo cadaan ah ayaa weerartay labbo nin oo islaam ah kuwaasoo ay ku eedeeyeen in ay leeyihiin garkii Usama Bin Laden oo kale.
Midkood ayaa la diley labada nin ee muslimiinta ahaa, kii kalana isbitaalka ayuu jiifaa magaalada Ventesdorp ee gobolka North West.
Sheekh dhintey ayaa lagu magacaabi jirey Fayaaz Kazi, halka kan la dhaawacayna lagu magacaabi jirey Maxamed Fayaaz.
Inta badan ma dhacaan weeraradani oo kale dalka Koonfur Afrika oo ay muslimiinta ku heystaan xoriyad badan, waxaase xusid mudan in magaalada uu weerarka ka dhacay ay caan ku tahay shaqaaqooyin jinsiyadaha cadaanka iyo madoowga, waana magaaladdii lagu diley hogaamiyihiin cadaanka xag jirka ahaa Eugene Terreblanche.


allaaya raxma wlhi aad ayaan uga xumahay gaalana awalba wanaag ineysan noo heyn cidi mamoga