Saturday, May 25th, 2013
.

Wararkii Ugu Dambeeyay Tartanka Doorashada: Yaa Ku Guuleystay Xildhibaanimada Yaase Laga Saaray Liiska?

Published on August 10, 2012 by   ·   1 Comment

Iyadoo weli meel adag uu marayo loolanka u dhexeeya musharixiinta sii kordhaya ee ka qeybgalaya doorashada madaxtinimada ee wadanka ka dhacaysa 20-ka bishan Agoosto ayaa dhanka kale wuxuu loolan ka taagan yahay xulista xildhibaanada cusub ee baarlamaanka kuwaasoo musharixiinta qaarkood ay rabaan in dad iyaga u codeeya ay ku daraan baarlamaanka cusub.

Haddaba Shabakada Galcad24.com  oo had iyo jeer dadaal ugu jirta sidii ay ku soo ururin lahayd xogta tartanka doorashada iyo xulista baarlamaanka halka ay mareyso ayaa halkan ku soo bandhigeysa liiska shakhjsiyaadkii ugu dambeeyay ee illaa hadda la xaqiijiyey inay heleen ka mid noqoshada baarlamaanka cusub.

Yaa helay xildhibaanimada?

1-C/weli Maxamed Cali Gaas- (Cumar Maxamuud/Majeerteen)- Waa raysul wasaaraha xukuumadda hadda dhamaaneysa xilligeeda, wuxuu helay mid ka mid ah labada xubnood ee beeshiisa ka heshay baarlamaanka cusub.   Dr C/weli dhanka kale waa musharax u taagan tartanka madaxweynaha, ka mid noqoshihiisa baarlamaankana waxay qeyb ka tahay ololihiisa doorashada ee gudaha baarlamaanka.

2- C/samad Macalin Maxamuud (Habargidir/Ceyr) Waa wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda hadda jirta.  C/samad waxaa soo qoray odayga beeshiisa hase yeeshee wuxuu ku soo baxay talabixin ka timid Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ay xulufo yihiin C/samad.

3- C/qaadir Cabdi Xaashi “Gaabane” (Leelkase).  Waa wasiiru dawlihii qorsheynta ee maamulka Puntland kana mid ahaa ragga sida aadka ugu dhow madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole.  Soo gelida Gaabane ee baarlamaanka Soomaaliya waxaa gacan ka geystay raysul wasaare C/weli Gaas oo kaashanaya madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole si uu codka u siiyo C/weli Gaas.

4- Dr Xuseen Khaliif Xaaji Jamac- (Cumar Maxamuud/Majeerteen),  wuxuu ka mid ah musharixiinta u taagan tartanka madaxtinimada, hadana xubin baarlamaan ayuu ku guuleystay.  Xog ogaalka waxay noo sheegeen in odayaasha beeshiisa ay u ogolaadeen Dr Xuseen in isaga iyo C/weli Gaas ay u galaan baarlamaanka cusub.

5- Maxamuud Xayir (Cali Saleebaan)  Waa gudoomiyihii rugta ganacsiga Puntland oo dhowaanahan ku sugnaa Muqdisho kadib markii uu isaga soo tagay xilkii uu ka hayey maamulka Puntland.  Ilo wareed lagu kalsoon yahay waxay Raxanreeb u sheegeen in Maxamuud Xayir uu jeebkiisa isticmaalay kadib markii rag beeshiisa ah ay kula tartameen halka xildhibaan ee beeshiisa ku leedahay baarlamaanka sidaasna ugu dambeyntii uu ku guuleystay.

6- Maxamed Qanyare Afrax (Murusade/ Hawiye):  Qanyare inkastoo uu ka mid yahay hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho wuxuu haddana markale ku guuleystay in beeshiisa uu ka helo aqbalaad si uu isaga ugu soo laabto baarlamaanka.

7- Cali Ilkadheere “Cali Ameerika” (Leelkase/ Maxamuud Cali):  Cali Ameerika waa qurba joog ku noolaa 30 kii sano ee ugu danbeeyey dalka Mareykanka waxa uu si bareer ah jeebkiisa u isticmaalay oo uu  gatay Booskii Xildhibaanonimo ee Beelaha Leelkase ee Gobolka Nugaal kadib markii ay aqliyabad Dadka ay soo xuleen qof kale.

Shakhsiyaad laga saaray liiska

1- C/raxmaan C/shakuur Warsame (Habargidir/ Ceyr)-   Waa xildhibaan hore, waana musharax ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha.   C/raxmaan C/shakuur wuxuu dadaal ugu jiray inuu xubinimada baarlamaanka helo kadibna musharaxnimadiisa sii wato si uu ololohiisa uga dhex bilaabo baarlamaanka cusub laakiin cadaadis hoose oo Sheekh Shariif uu saaray nabadoon Cabdi Daahir oo ah nabadoonka beesha Ceyr ee hadda xubnaha beeshaasi xoo xulaya ayaa sababay in C/raxmaan C/shakuur laga saaro liiska waxaana booskiisa la qaatay haweeney magaceeda aan ka helnay “Jawaahir”.

2- Yuusuf Maxamed Siyaad “Indhacade” (Habar gidir/Ceyr)-  Inkastoo Indhacade baarlamaankii hore ku jirin haddana midkan cusub wuxuu iskudayey inuu ka qeybgalo,balse si la mid ah C/raxmaan C/shakuur waa laga qadiyey.  Xubno ku dhow Indhacade waxay Raxanreeb u sheegeen in uusan weli quusan oo weli orod ku jiro.

3- C/raxmaan Xoosh Jibriil (Leelkase) Waa wasiirka dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya oo si weyn loogu xusuudto kaalintii uu ka qaatay meelmarinta dastuurka cusub.  Mudane Xoosh waxaa la sheegayaa inuu galaaftay C/qaadir Gaabane kadib markii talobixin ka timid Madaxweynaha Puntland darteed lagu bedelay C/raxmaan Xoosh.

Shabakada Raxanreeb ayaa ogaatay in C/raxmaan Xoosh wuu ku qancay markii loo sheegay in magaciisa laga saaray liiska musharixiinta baarlamaanka, laakiin warar lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in ballanqaadyo loo sameeyay ayna dhici karto inuu helo xubinimada baarlamaanka.

4-C/shakuur Mire Aadan (Cali Saleebaan)-  Inkastoo C/shakuur waayadan uu ku sugnaa Muqdisho wada xaajoodyo fara badana la yeeshay odayaasha beeshiisa haddana uma suurtoobin inuu xilka xildhibaanimo helo.  Wuxuu la loolamay Maxamuud Xayir oo ahaa gudoomiyihii rugta ganacsiga Puntland oo hadda liiska lagu daray.

5- Cabdi Maalik Yuusuf “Cabdi Suldaan” (Habargidir/Ceyr)-   Cabdi Maalik oo dadka qaar u yaqaanaan Cabdi Suldaan waa mulkiilaha idaacadda Shabeelle, dadaal dheer oo uu u galay helistaanka kursi baarlamaan kuma guuleysan.   Waxaa la sheegayaa in uu eersaday rag ay isku heyb yihiin oo booska ka horgalay.

Warar kale ayaa sheegaya in Cabdi Maalik aan laga jecleyn xarumaha dawlada sababo la xiriira idaacadiisa oo loo arko mid toos u weerarta dawlada, sidaa darteed madaxda sare ee dawlada ay ka hor joogsadeen soo gelista baarlamaanka.

Illaa hadda liiska baarlamaanka ee loo gudbiyey guddiga xulista baarlamaanka waxaydhaafi la’ yihiin 1oo xubnood (inta la aqbalay) waxaase jira illaaboqol kale oo guddigu dib u celiyeen kadib markii sida la sheegay shuruudihii laga rabay baarlamaanka cusub aysan soo buuxin dadka la soo xulay.

Sidoo kale waxaa aad looga walaacsan yahay in odayaasha dhaqanka ee qabiilada aysan rabin in haween ay u soo xulaan xildhibaanadooda marka laga reebo tiro oo min hal haween ah keenay halkii laga raabay illa afar xubnood reer kastaba.

HomePage

Readers Comments (1)

  1. say no to Qabiil says:

    ASC

    Isku dabaridyeesha websiteka waxaan idin kaa codsaneyaa in aad kaa dhaaftaan magacaabida ama tilmaamta QABIILKA Somali waa Somali qof maanta rabto in ee ogaato qabiilkuu xilbhibaan kaa soo jeedo maa jirto.wax qabad iyo daacadnimo ayeey dadka uu bahan yihin marka fadlan reer hebel iyo reer hebel naga daaya

You must be logged in to post a comment.

We Love Fanaaniinta Sanadka”Like”

qisoj