Friday, May 24th, 2013
.

Gen. Katumba Wamala : “Cabasho xoog leh ayaa nagasoo gaareeysa Askarteena jooga Soomaalia

Published on August 11, 2012 by   ·   No Comments

Taliyaha Ciidamada Dhulka ee Dowlada Uganda Katumba Wamala ayaa sheegay in Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ay cabasho xoogan ay muujinayaan taasoo ugu wacan xaaladaha ay ku shaqeynayaan.

Taliyaha ayaa sheegay in 600 oo Akarta Uganda ah loo celin doono dalkooda Hooyo , isagoo sheegay inay aad ugu adag tahay xaalada ay ciidamada ku shaqeynayaan.

“Cabasho xoog leh ayaa nagasoo gaareeysa Askarteena jooga Soomaalia iyadoo laga yareeyay lacagihii ay qaadan jireen Shaqada ay qabtaana ay badantahay oo ay door muuqda ku leeyihiin Howlgalka Amisom ee Soomaalia” Waxaa sidaa yiri Gudoomiyaha Gudiga Difaaca Uganda Milton Muwuma.

Taliyaha Ciidamada Dhulka Uganda ayaa aad u amaanay Nabada ka jirta Caasimada Muqdisho, isagoo sheegay in Caasimada lagu ansixiyay Shirkii Dastuurka cusub ee Soomaalida.

Waxaa uu sidoo kale xusay in hada xaalada amaanka ay ka soo reyneyso sidi ay ahayd marki ay ka dagayeen Garoonka Muqdisho, waxaana uu sheegay in Ciidamada AMISOM ay naftooda u hureen sidi Soomaalida ay nabad u heli lahayd.

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Dhulka Uganda Wamala ayaa sheegay inDoorashada dalka ka dhaceysa aysan wax lug ah ku lahayn Ciidamada iyo saraakiisha AMISOM, isagoo shaaciyay kaliya inay sugayaan amaanka xarumaha uu shirarka ka dhici doona.

Uganda ayaa wali ku soo daabuleysa Dalka Soomaaliya Ciidamo badan kuwaasoo kaabaya Dowlada Soomaaliya , waxayna ka qeyb qaadanayaan amaanka dalka, dhawaana waxa ay Dowlada Uganda sheegatay inay soo dirayaan Ciidamo gaaraya 2, 337, kuwaasoo xasilinta amaanka gacan ka geysanaya.

HomePage

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

We Love Fanaaniinta Sanadka”Like”

qisoj