Thursday, June 20th, 2013
.

Taleefishinada Caalamka oo soo bandhigay Muuqaal cadeenaya Shacabkii oo Farmaajo ku yaacay (Daawo Muuqaal+Warbixin)

Published on August 11, 2012 by   ·   1 Comment

Qaar ka tirsan Telefishinada Caalamka ayaa soo bandhigay Muuqaalo cadeenaya Shacabka Soomaaliyeed oo ku yaacay goobtii lagu soo dhaweenayay Musharaxa lagu magacaamo Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo oo ah Raisul Wasaarahii hore ee dalka Soomaaliya.

Masuulkaan oo Shacbiyad balaaran ku leh gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan dhanka Siyaasada waa shaqsi wax weeyn ka badali kara xaalada qalafsan iyo jahwareerka ka taagan Maslaxa Siyaasada.

Taageerada ugu weeyn ee uu Mr.Farmaajo ka muteeystay Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay Masuul la dagaalama dhanka Musumaasuqa iyo wax is daba marsiinta waana Shaqsi dhaqaalaha dalka soo gala aad u Koontarooli jiray gaar ahaan kii ka soo xaroon jiray Dekeda & Airpor-ka magaalada Muqdisho.

Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo waxaa sidoo kale Siyaasad ahaan aad u Taageero Hoowl-wadeenada Dawlada iyo Ciidamada Qalabka sida kuwaas oo Masuulkaan ku tilmaamay shaqsi xooga saari jiray Mushaaraadka Ciidamada Dawlada la siiyo iyo isku habeeynta guud ahaan Wasaaradaha Dawlada dhexe.

galacad

Readers Comments (1)

  1. Generous says:

    Wali waw mudanyahay hanbalyo

You must be logged in to post a comment.

LIKE SAAR BOGGA GALCAD24.COM

qisoj