“Mr.Kefu Ikamanu waxa uu sheegay inaannu wax dambi ah lahayn, isla markaana aanu dilin gabadhiisa yar oo lagu magacaabo Seini”
Aabbou dhashay dalka New Zealand, ayaa darbi la dhacay gabadh yar oo uu dhalay, sababtoo ah waligeed umay dhoola-caddayn sida ay xaqiijisay Maxkamadda Sare eedalkaas.
Aabbaha dhalay gabadhan yare ee 2 jirka ah ayaa darbiga ka soo gooyey, kadib markii uu muddo badan ka caraysnaa sida maxkamaddu xaqiijisay inantiisa aan wax farxadaah u muujin.
Mr.Kefu Ikamanu waxa uu sheegay inaannu wax dambi ah lahayn, isla markaana aanu dilin gabadhiisa yar oo lagu magacaabo Seini oo garabku jabay, misigtana kadhaawacntay, halka maskaxduna wax noqotay. Waxaanay u geeriyootay dhaawacyadii soo gaaray awgood.
Mr.Phil Hamlin oo ah xeer-ilaaliyaha dacwadan soo oogay, ayaa caddeeyey in ninkanilmaha yar ee sabiga ku dilay iyadoo farxad u muujin wayday.
Gabadhan yar markii cusbitaalka la geeyey dhakhaatiirtu waxay maskaxdeeda ka sifeeyeen dhiig badan oo ku furmay, garabkana iyo misigtana way ka kabeen.
?Dhakhaatiirtu aad bay uga dayriyeen caafimaadka gabadhan yar sida uu mustaqbalka noqon doono, maadaama uu soo gaaray dhaawac culus oo aad moodo in baabuur dul maray, sidaadarteedna waxay u dhimatay dhawacyadaas halista ah.? ayuu xeer-ilaaliye Hamlinu sheegay maxkamadda.
Seini waxay geeriyootay siddeed bilood kadib dhaawacyadii soo gaaray, maxkamadduna ilaa hadda kiiskeedan gacantay ku haysa.