Cabdifataax Maxamed Yuusuf Iyo Hoodo Maxamed Iidaan waa lamaane indho la’a oo dhawaan arooskoodu ka qabsoomay magaalada Hargeysa, waxay mudan yihiin in laga taageero dhismaha qoyskooda, maadama ay yihiin lamaanihii ugu horeeyey ee indho la’aa ee is-guursaday.
Dhacdada lamaanahan oo ah mid dhif iyo naadira, waana xaalad qof waliba dareemi karo culeyska iyo baaxada ay leedahay hirgelinta nolosha qoyskan, marka la barbar dhigo nolosha lamaanayaasha kale ee labada qof-ba laxaadkoodu u dhan yahay ama labada qof midkood laxaadkiisu u dhan yahay.
Sidaa darteed, waxa qofkasta ku waajiba inuu lamaanahan ku taageero wixii uu awoodi karo dhaqaale ahaan, isaga oo ugu soo hagaajinaya Sanduuq-Xisaabeedka hoos ku qoran:
Account Number-ka HRGD 27861
Mobile: 4127009
Email: janaale94@gmail.com
