
Siyaasada Soomaaliya ayaa xiligan gashay meel Xasaasi ah oo aad u adag iyadoona isha lagu hayo marxaladan cusub ee kala guurka ah kuna eg 20-Agoust sida looga gudbi karo .
Waxaa jira loolan adag oo Madaxda Dowlada iyo rag kalaba u dhaxeeya taa oo ku aadan cida liijaanka u qaban doonto Dowlada Cusub ee la filayo in dhawaan la dhiso kana gudbi doonto Dowladaasi waxii na daashay ee KMG Ahaa.
Loolanka Siyaasda waxaa ugu horeeya ay hada ka dhaxeyso waa Sadaxda Masuul ee ugu sareeya Dowlada KMG ee Soomaaliya Madaxweyne Sheekh Shariif ,Gudoomiye Baarlamaan Shariif Xasan ,iyo Raizul Wasaare Gaas oo nin waliba shaaciyay in uu Musharax yahay Madaxweynanimana uu rabo.
Waxaa si gaar ah isku haya labada Shariif oo markoodii hore saaxiibo ahaa balse kala geesay siyaasada ,waxana labaduba hada loolan ugu jiraan in nin walbo isaga Agoust kadib la dhaho mudane Madaxweyne, labduna uma qeyb santo waaba hadii ay ka badbaadaan raga kale mid baa kusoo bixi doono.
Loolanka koowaad ee xarig jiidka labada nin ayaa ka bilaabmaya marka lasoo magacaabo Baarlamaankii wax dooran lahaa ,iyadoona Dowladihii hore Kursiga Gudoomiyaha Baarlamaanka loo calaamadeeyay Beelaha Digil iyo Mirifle hasa ahatee markaan waa iska diideen waxa ayna sheegeen in kursiga Baarlamaanka ku fadhigiisa ku daaleen markaana rabaan Madaxweyne kursiga Baarlamaankana ay rabaan in ay ku wareejiyaan Hawiye iyo cidii kale ee kusoo baxda.
Shariif Xasan isaga oo ka duulaya in Beesha Hawiye mar kale Madaxweyne kusoo baxaan culeesna galiyaan waxa uu wadaa qorsho uu ku doonayo in Nin hawiye ah ku qal qaaliyo una ololeeyo qarash badana ku bixiyo in uu ka dhigo Gudoomiye Baarlamaan si meesha uga baxaan Xerta Sheekh sahriif iyo Hawiyaha kale ee Damaca ugu jira in Madaxweyne Noqdaan mar hadii ay Gudoomiye qoorta loo suro.
Shariif Xasan arintaasi waxa uu gacan kaga helayaa Faroole iyo Gaaas oo iyaga naftooda doonaya in Sheekh Shariif meesha ka baxo ,kuwaa oo doonaya in hadii hawiye meesha kabaxo labada Bee lee Daarood iyo Digil iyo Mirifle ku kala baxaan Madaxweynaha iyo Raizul Wasaaraha kala qaataan .
Madaxweyne Sheekh Shariif isagu kama qarsoona qorshahaan la doonayo in daaqada looga saaro ,dhankiisa waxa uu gadaal ka riixayaa Shaqsi Digil iyo Mirifle ah in uu fadhiisiyo Gudoomiyaha Baarlamaan, hadii uu sidaa yeelana waxaa meesha ka bixi doono Shariif xasan iyo lacagtiisa ,madaxweynuhuna waxa uu fursan u heli karaa ugu yaraan in mar kale lasoo doorto.
Sheekooyinkan dhan waxaa kor kala socda waxna ka qaban Karin waa Musharixiinta kale oo iyagu u badan dad aan saameyn laheyn kuna dhax jurin odayaasha Baarlamanaka soo xulaya ,sidoo kale aan heesan lacago Malaayiin Dollar ah oo wax lagu kala farsameeyo.
Arimahan oo dhan ayaa ah kuwa hada il gaar ah lagu hayo lana sugayo cida ku guuleesato qorshayaasha qarsoon ee ka dhaxeeya Raga loolanka ugu jira in Dalka Madaxweyne ka noqdaan.