Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa ku kala qeybsamay cunista Waraabaha oo maalmahan si weyn looga isticmaalo magaalada Kismaayo iyo gobolada Jubooyinka kadib markii culumaa’uddiin uu ka mid yahay Sh. Maxamed Umul iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab ay xalaaleeyeen cunista hilibka Waraabaha.
Sheekh Maxamuud Cabdulle Cariif oo ka mid ah Culumaa’uddiinka sida weyn looga qadariyo guud ahaan Soomaaliya ayaa ka digay cunista hilibka waraabaha isagoo sheegay in xaaraan cad ay taquraankiisa uu ku sheegay.
Wadaadka ayaa soo daliishaday Aayado Qur’aan oo waxyaabaha bini’aadamka Illaahey ka reebay, ayna soo galeyso hilibka Waraabaha oo ka mid ah xayawaanada dad cunka ah.
“Qofkii cuna Hilib Waraabe oo qof jabiyay Shareecadda Islaamka, hala dilase dhihi maayo, laakiin waa laga canaanayaa oo waa la ciqaabayaa, maaadaama uu arintaasi sameynayo Ilaahey xaramiy” ayuu yiri Sh. Maxamuud Cabdulle Cariif.
Sh. Maxamed Umul oo isna ka mid ah Culumaa’uddiinka tixgelinta ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed dhexdooda ayaa isna shacabka u sheegay in wax xaaraantimeeyay cunista Hilibka Waraabaha aysan jirin, isagoo soo daliishaday Xadiis saxiix ah oo laga soo wariyay Nabigeena Muxammed NNKH.
Arintan ayaa shacabka Soomaaliyeed ku kala qeybsamay iyadoo goobaha laga cuno ay ku kooban tahay Gobolada Jubbooyinka oo heerkii ugu sareeyay qiimaha lagu kala iibsado ka gaaray magaalada Kismaayo.
Xafiiska Wararka Galcad24.com
Muqdisho Soomaaliya
Galcad24@hotmail.com