
Gabar Soomaali ah oo magaceeda lagu soo koobey Sahra ayaa si qarsoodi ah loogu sameeyey barnaamji ay ugu hadleyso in waalidkeeda ay ku celiyeen Soomaaliya kadibna loo guurey nin ka weyn sida ay sheegtey.
Sahra oo muuqaalkeeda oo si fiican aan loo arkeynin ka muuqata barnaamijka laga sameeyay ayaa hada ah 18 j markii ninka loo guurinaayeyna waxa ay aheyd 16 jir ninkana waa 35 jir, anigoo raali ka aheyn ayaa la igu darey ayey tiri.
Markii ay muda ku nooleyd Muqdisho ayey sheegtey in ay lacag aruursatey kadibna ay soo baaxsadey, waxaana soo raacey oo i soo caawiyey gabdho soomaali ah oo aan soo wada aadney Ethopia kadibna Safaarada Holland ee Etoobiya ayaa dib ugu soo dirtey Dalka Holand oo ah halka waalidkeed ay ka wadeen markii hore, taasoo dhinaca Holland aay ka caawinayeen ururo u dhaqdhaqaada Haweenka ka soo jeeda wadamada ku ad adag arimaha haweenka oo Soomaaliya ay ka mid tahay sida ay sheegayaan, waxaa sidoo kale dalalkaasi ka mid ah Afgaanistaan,Pakistaan iyo kuwa kale oo u badan dunida Islaamka.
Qaar ka mid ah Haweenka ku soo dhoweeyey Garoonka ayaa sheegtey in Sahra ay ka caawisey dadaalka ay ugu jraan sidii haween badan oo ka soo jeeda dalalkaasi ay ugu qancin lahaayeen in ay soo bandhigaan dhibka ka heysta dhinaca dhaqanka wadamadooda.
Waxaa ay intaasi ku dareen in ay jiraan haween badan oo ragii ay is qabeen ay ku kala tageen sharciga Holland hadana aanan guursan karin mar kale sababtoo ah raga ay dowlada ka furtey ayaa wali ku adkeysanaayo in sharciyadooda ay wali ku qabaa sidaas darteedna aysan ka furneyn, hadii dalalkooda ay aadaana waxa ay noqonayaan danbiilayaal ayey yiraahdeen sidaas darteed waa haween dhiban oo u baahan in la caawiyo.