Afhayeenka Xoogaga Mujaahidiinta Al-Shabaab oo La Hadlyay Warbaahinta Ayaa Shaaca Ka qaaday In Asgari Ka Tirsan Alshabaab Moobaaylkiisa Laga Halay Sawirka Fanaanad Soomaaliyeed Sidaasina uu Ku Mutaystay In La Dilo Maadaama uu Jabiyay Mid ka Mid ah Tiirarka Muslimiinta Isagoo Waliba Mujaahid ah
Falkaan Lagu Dilay Asgariga Ka Tirsanaa Kooxda Alshabaab ayaa Yimid Kadib Markii Iyadoo Ciidmada Alshabaab Ay samaynayaan Dhoola Tus Lagu arkay Isagoo Daawanaya Sawirka Fanaanadda Codka Macaan Nimco Cabdi Nimco Dareen
Asgariga Ayaa jabiyay Sida uu sheegay Afhayeenka Alshabaab Mid Ka Mid ah Tiirarka Diinta Islaamka oo Mam Nuucaya In Fanaanad Sawirkeeda waliba ayadoo qaawan la Daawado
”Waxaan Nahay Mujaahidiin Cadaalada kama Gambanayno Hadii aad Hore U Malayn Jirteen In Mujaahdiinta Dhax Dooda Qaladaadka Is qaban Eega Asgarigaan Waxa uu Daawanayay Fanaanad Sawirkeeda Waliba Ayadoo Qaawan Marka Waxaan Ku Fulinay sida uu ilaahey Raali Ka Yahay Dil Qof walbana Sidaan ayaan Ku samaynaynaa Ilaa Munkarka uu Suulo Ayuu Yiri Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali dheere
Waa Markii Ugu Horeysay oo Ruux Lagu Toogto Daawashada Sawirada Fanaaniinta Soomaaliyeed Waxaana La IS Weydiinayaa Hadii Ay Sii socoto XeerkaNuucaan oo kale ah Halkee Bay Ku dambeyn doonaan Taageerayaasha Fanaaniinta Soomaaliyed Qaasatan Gabdha Da’da Yar ee Fanka Ku soo Biiray Dhawaan
Akhristoow Ka Dhiibo Fikirkaaga Adigoo Cidna Ku weera rayn
Xafiiska Wararka Galcad24.com
Muqdisho Soomaaliya
Galcad24@hotmail.com