MUQDISHO: Hay`adda Gift of the Givers oo ka mid ah Hay`adaha sida weyn uga qeybqaatay howlihii samata-bixinta abaaraha Soomaaliya ayaa dhanka kale waxay maalmahan si weyn diiradda u saartay sidii caruurta agoomaha ee ku kala nool qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ay ugala qeybqaadan lahayd farxadda Cidda.
Illaa 1000 Caruur Agoomo ah ayaa muddo todobaad gudahood ka faa`ideystay barnaamijka Ciida oo caruurta Soomaaliyeed lagu guddoonsiiyay dhar iyo agab kale oo ay ku ciyaaraan.
Madaxa Xafiiska Gift of the Givers ee magaalada Muqdisho Cabdi Siyaad Cusmaan ayaa maanta tibaaxay barnaamijka Todobaadka Ciddda ee ku talagalka hay`adda uu ku soo dhamaaday jawi farxad leh.
“Todobaadkan waxaan ka farxinay caruur gaaraysa 1000 oo aan ugu deeqnay dhar aad u tayo sareeya sida aad arkaysaan, mana aha markii ugu horeysay – Ciiddii hore sidan oo kale ayaan caruur Agoomo iyo kuwo aad u tabaalaysan uga caawinay xagga Ciidda” sidaasna waxaa saxaafadda ugu waramay Madaxa Xafiiska Cabdi Siyaad oo intaasi in qorshaha ay ugu jiraan balaarinta howlaha gargaarka ee Hay`adda ka wado dalka gaar ahaan dhinacyada Caafimaad iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada.
Si kastaba Ma`aha markii ugu horeysay GGF-SA ay deeq gaarsiiyaan caruur Agoomo ah waxaana jira xarumo lagu daryeelo agoomaha oo ay gacanta ku hayso, iyadoo sidoo kale dhowr xarumo oo lagu quudiyo bulshada tabaalaysay ka furtay qaar ka mid ah Degmooyinka gobolka Bandaair . Iyadoo ay xusuus ay mudan tahay Bisha Barakeysan ee Ramadaan sidoo kale ay Isbitaal Martini ka sameysay afurinta qoysaska Naafada Xoogga Dalka ee ku jira Isbitaal Martini.
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone: +2526-1-5520008
Facebook: Click here 



