Saturday, May 25th, 2013
.

Labo Haween ah oo Isku Soo Taagay In Ay Noqdaan Madaxweynaha Soomaaliya

Published on August 17, 2012 by   ·   No Comments

Labo Haween ah ayaa xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya xiligan isu soo taagay.

Haweenaka ayaa kala ah Amaal Cabdi Ibraahim iyo Caasho Axmed Cabdalla.

Markii ay Caasho Axmed Cabdalla oo ka mid ah Xildhibaanada DKMG ee Soomaaluiya ku dhawaaqaysay musharaxnimadeeda ayay ku eedaysay dowladda haatan jirta in ay wado musuqmaasuq iyo wax isdabamarsiin dhinaca xulista Baarlamaanka cusub ah.

Waana markii labaad oo ay xilka dalka Soomaaliya isu soo taagto Caasho Axmed Cabdalla , markii hore waxaa ka guuleystay Alle ha unaxariistee C/Laahi Yusuf Ahmed tariikhdu markii ay ahayd 2004-tii loona doortay madaxweynaha dalka ay dagaaladu la hareen ee Soomaaliya.

 

Balse Murashaxada labaad oo ah Amaal Cabdi Ibraahim oo 37 jir ah ayaa ku noolayd dalka Filand muddo 20 sano ah, waxa ayna markii ay musharaxnimadeeda ku dhawaaqaysay balan qaaday in ay wax weyn ka qaban doonto arrimaha Haweenka gaara ahaan kuwa raggoodii lagu layay dalka intii dhibtu ka jirtay ayna wax u qabanayso Gabdhaha aan wali la guursan ee dhibaataysan iyo Ilmaha Agoonta.

“Haweenku waa kuwa dhiabaatada u nugul ee ay dhibtu ka soo gaarto dagaalada sokeeye, waana in la caawiyaa”, ayay u sheegtay  Amaal Cabdi Ibraahim mar uu wareysanayay TV-ga Dalka Filand.

Labadan Haween ayay ka go’antahay in ay qabtaan xilka dalka Soomaaliya xiliga kala guurka oo ay ka harsan tahay wax ka yar 3 maalin.

Korjoogayaasha iyo beesha caalamka aya walaac ka muujiyay dib u dhaca weyn ee ku yimid magaacbista Baarlamaanka cusub ee dalka Soomaaliya oo indha lagu wada hayo, waxa ayna sheegeen in loo bahan yahay in la raaco sida uu dhigayo Qararka Q.M oo ah in la doorto madaxweyne 20-ka bishan Augosto 2012 si ay Soomaaliya uga baxado KMG-nimada.

HomePage

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

We Love Fanaaniinta Sanadka”Like”

qisoj