Waa hubaal in marka aad indhaha ka qaadid ciwaanka qormadaan aad isla markiiba isweydiineysid waxa keeni kara in dal uu dayacnaado, iyadoo dadkiisana ay wada siyaasiyiin yihiin,
maxaa yeeley siyaasada ayaa ah aasaaska maamul wanaaga iyo kala danbeynta, hadii dalka ay liijaanka u hayaan hogaamiyaal leh aqoon siyaadeed iyo mid diimeed oo gaarsiisan heer ku filan hogaamin daleed.
Balse marka loo soo laabto siyaasada iyo siyaasiyiinta Soomaalida waxaa loo baahanaa in macno kale loo raadiyo si loo qeexo waxa ay ka aaminsan yihiin Siyaasada, waayo waxaad dareemeysaa in qofkasta, ha ahaado aqoon yahayn ama jaahil, uu daneynaayo Siyaasada iyo qaabkii uu ugu mid noqon lahaa siyaasiyiinta. .
Marka aad ku dhex jirto bulshada Soomaaliyeed ee dibadaha jooga ama kuwa gudaha ku nool, waxaa dhegahaada marnaba ka faaruqeynin ereyo muujinaayo damaca ay ka qabaaan siyaasada oo ay isu yeerayaan sida Guddoomiye, Masuul iyo Madaxweynaha Mustaqbalka oo dhamaantood ka turjumayo waxa ay ku riyoodaan oo ah in mar un ay fuulaan marsaxa siyaasada.
Waxaana tusaale noogu filan tirada Musharixiinta ah ee xiligan u taagan jagada Madaxweynaha loo madlan yahay in loo tartamo 20 ka bishaan August 2012 oo sii kordhaya maalinba maalinta ka danbeysa.
Laguma mashquuli laheyn hadii dhamaan Musharixiinta dalkan dayacan ay wada buuxin karaan waxa laga rabo qofka isu soo taagaya jagada miisaankeeda uu intaas la egyahay hase ahaatee waxaa marar badan isweydiineysaa in musharixiinta qaar ay dhab ka tahay iyo in kale, waayo kama muuqato aqoon iyo karti ay ku kala hagi karaan dalkan iyo dadkiisa oo soo dhibaatoonayey muda 22 sanadood ah, una baahan qof leh aqoon iyo karti lagu samata bixin karo la isagana ilaaliyo faragalinta xad dhaafka ah ee ay ku hayaan dowldaha dariska iyo calooshood u shaqeystayaasha caalami ah ee ku gambada magaca beesha Caalamka.
Sicir barar Siyaasadeed oo gaarey heerkii ugu sareeyey ebed.
Sakeriye Xaaji Abdi oo ah aqoon yahay muda ku soo jirey siyaasada Soomaalida ahna siyaasiyiintii ku harey isbaheysigii dib u xureynta Asmara ayaa ku sifeeyey in Sayaasada Soomaaliya lagu sameeyey sicir barar kadib markii wadaadadii iyo xirtii kitaabada ka dhageysan jirtey lagu yiri waxaad tihiin Siyaasiyiin sida uu hadalka u dhigey, kadibna ay soo faarujiyeen kaalintii diinta ee bulshada ay ka kaga jireen, waxaana ay raja galisey qurba joog badan oo ku bahdilnaa wadamada ay qoxootiga ku yihiin.
Qurba joogta oo isu jira aqoon yahano, xamaalato iyo kuwa aanan waxba isla heyn oo ceyrta isaga nool ayaa fadhiga ka kacey kadib markii ay arkeen sicir bararka siyaasadeed oo maraya heer wadaadadii iyo xirtii ay noqdeen madaxda dalka iyagoo aanan waligood arag nidaam dowladeed iyo sida uu u shaqeeyo.
Intaas kadibna waxaa bilowdey in tusbax furmey camal ay u ugu dhaqaaqeen dhanka Siyaasada, waxaase wax walba ka sii daran oo ah wax aanan horey loo arag kadib markii qofkasta uu ka soo tagey waxa uu bartey ama uu ahaa, tusaale ahaan dhaqaatiirtii, Ingineeradii,Profesooradii Jaamacadaha wax ka dhigaayey, ganacsatadii, samafalayaashii iyo Suxufiyiintiiba ay ka tageen howlahoodii iyo waxii ay barteen iyagoo door bidey in ka mid noqdaan siyaasiyiinta maqaarsarka ah.
Su,aasha taaganse waa hadii wada siyaasiyiin la dhoqdey, yaa umagan qeybaha kale ee nolosha, waayo bulshada waxa ay u baahan tahay in ay ka dhameystirnaato dhinac walba si ay u hormariso hab nololeedkeeda taasna waxey ku xiran tahay in koox walba ay ilaaliso kaalinta ay bulshada kaga aadan tahay.
Waxa dhici kara hadii Siyaasiin la wada noqdo.
Waa wax noo wada muuqda in dib u dhac weyn ay ku tahay bulshada Soomaaliyeed hadii la soo faarujiyo qeybihii kale ee nolosha kadibna la isugu imaado Siyaasada, cawaaqiib xumada laga dhaxlidoonana waa in la waayo bulsho dhameystiran oo is maamuli karta sidaas darteedna ay na maamulidoonaan dowladaha ka mashaaca jabka Soomalida, sida hadaba noo muuqata.
Waxaa tusaale nooga filan guddiga madaxa banaan ee Q/midoobey ay damacsan tahay in Soomaalida uu u maamulo dhaqaalaha laagu deeqo, waxaana guddigaasi lagu dhawaaqey kadib markii la waayey dad Soomaali ah oo lagu aamino dhaqaalaha loogu deeqo dalkaa.
Waxaa kaloo tusaale wanaagsan ah Ciidamada Booliiska ah ee Amisom ay Muqdisho geysey oo macnaha ka danbeeya uu yahay in Booliiska Soomaaliyeed aysan ka soo bixi karin shaqadooda iyo waxyaabo kale oo badan oo aanan halkaan lagu soo koobi karin, hadii ay sidaan wax u sii socdaana waxa la gaaridoonaan xili wax walba naloo maamulaayo oo aanan arkeynin qof Soomaali ah oo wax ku maamula danta shacabka iyo rabitaankooda.
Maxaa Xal ah si waxyaabahaas loogu baaqsado ?
Waxaan qabaa in dib loo eego halka uu maraayo Sicir bararka siyaasadeed ee aan ku jirno iyo dayaca dhinaca siyaasada naga heysto oo cadeyn u ah in dadka siyaasada ku jira iyo kuwa hada sii galaayaba aysan laheyn awood ay ku go,aansadaan waxa maskaxdooda ka guuxaya , kadibna laga wada tashado sidii qof walba uu fursad ugu heli lahaa waxa uu bartey ama uu waayarag ku yahay, taas oo macnaheeda uu yahay in siyaasada looga danbeeyo dadka soo bartey laguna taageero waxii caawinaad ah ee ay ubaahn yihiin halka Dhaqaatiirta ay iyana ay awooda saaraan sidii dalka ay ugu caawin dhanka caafimaadka, Ingineerada iyo qeybaha kalena ay sidaas sameeyaan.
Hadii Sidaas la yeelo waxaan qabaa in laga samata baxaayo dhibka 22 jirsadey, in howlaha dalka laga qeyb gaatana ma ahan oo kaleya in siyaasi la noqdo oo la isu sharaxo Madaxweyne ee intaas wey ka balaaran tahay Siyaasada waa aqoonta lagu dhiso heykalka kore ee dowlada, kadibna waxaa howlaha wada bulshada inteeda kale.
By Abdullahi Jama.