Saturday, May 25th, 2013
.

Wasaarada Howlaha Guud iyo Guriyeenta oo kawarbixisay dhismooyinka haatan kabillawday Muqdisho

Published on August 18, 2012 by   ·   No Comments

Wasaarada Howlaha Guud iyo Guriyeenta Xukumada KMG ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ey kawarbixisay halka ey marayaan howlaha dhismo ee haatan kasocda Magaalada Muqdisho.

Jeylaani Nuur Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo Guriyeenta Xukumada KMG ee Soomaaliya oo maanta shirjaraa,id ku qabtay Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in hatan Dalka ey kasocdaan mushaariic kala duwan kuwaas oo lagu hormarinaayo Caasimada Dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in dayactirkaan uu ka danbeeyay kadib markii Magaalada Muqdisho ey noqotay mid amaan ah sida uu sheegay Shacabka Soomaliyeedna ey ka faa,iideysanayaan nabada haatan ka jirta Muqdisho sida uu sheegay eyna kadanbeysan in shacabka ey kuĀ  dhiiradaan in ey dhistaan guryahooda.

Jeylaani Nuur Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo Guriyeenta Xukumada KMG ee Soomaaliya ayaa waxa uu sidoo kale tilmamay in Dowlada Turkiga ey u balan qaadan in ey dhisi doonto dhamaan wadooyinka Soomaaliya.

Ugu danbeentii Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo Guriyeenta Xukumada KMG ee Soomaaliya waxa uu sheegay in marka hore ey dadka dhihi jireen dowlada Soomaaliya waa KMG belse sida uu sheegay laga gudban maanta taas oo loogudban dowlad dhameestiran.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa ku soobadanayay maalmihii ugu danbeeyay dayactirka dhismooyinka ku yaal hareraha wadooyinka Muqdisho oo ey dayac tirayaan dadka shacabkaa eeleh mil kiyada guryahaas iyadoona muqdisho ey u mooqaneysa mid ku soolabaneysa sida ey aheedv markeedii hore.

HomePage

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

We Love Fanaaniinta Sanadka”Like”

qisoj