Waxaa Si weyn looga ciiday Magaalada Cape Town Dalka Koofur Afrika oo ay ku nool yihiin Soomaali aad u farabadan oo la qeyb sanayay munaa sabada ciida muslumiinta dalkani
Aroornimadii hore ee saakay ayaa loo dareeray goobaha lagu tukanayay salaada ciidul fidriga oo ay kumanan dad ah isugu yimaadeen si aan tafaraaruq laheyn
Hayada Culumaa u diinka soomliyeed ee dalka Koofur Afrika Albyaan Ayaa ka dhax muuqday goobta ay dadku ku tukanayeen ee xaafada Beville ee magaalada Cape town oo ay soomalidu ku badan tahay
Munaasbadan ayaa ka duwaneyd ciidihii hore sababta oo ah in dhaman daka muslumiinta ah ee ku sugan K/ Afrika ay tukadeen maalin qura iyadoo looga bartay in xilayadii hore ay dhici jireen qilaaf
Waxaana la arkayay boqolaal dumar iyo caruur ah oo buux dhaafiyay wadooyinka waa weyn ee magaalada Cape Town
Wariyaal Ka Tirsan Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Koofur Afrika SOJASA” Ayaa Qudheeda Ka Dhax Muuqanayay Salaadii Ciida ee Magaalada Cape Town 

