Kumannaan Soomaali ah ayaa maanta isugu soo baxay salaadii ciida, goobo kala duwan oo ka mid ah dalka Kenya.DadweynahII ugu badnaa oo kumannaan dhaafayay ayaa ku tukaday barxada Sir Ali club ee magaalada Nairobi, halkaasoo uu dadweynaha muxaadaro uga jeediyay Sheekh Maxamud Maxamed (Shibli).
Waxaana uu ugu baaqay Soomaalida iyo muslimiinta aduunkaba inay midoobaan.
Qaybaha kale ee dalka Kenya, gaar ahaana magaalooyinka Islaamku ay ku badanyihiin ee Mombasa iyo Gaarisa ayaa dadweynuhu ay u soo baxeen
salaada ciida.





