Tuesday, June 18th, 2013
.

Fadeexad soo wajahday gudiga farsamada ee Barlamanka Cusub,

Published on August 19, 2012 by   ·   No Comments

Waxaa soo baxaya Cadaalad daro iyo Fadeexad ay ku kaceen Gudiga Farsamada ee soo xulaya Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya iyagoona u kala eexday Beelaha Soomaaliya qaarkoodna sanduleeyay kuwa kalana ay u eexdeen iyaga oo iska indha Tiraya heshiisyadii lagu heshiiyay.

Xili ay horey ugu heshiiyeen saxiixayaasha Roadmapka iyo beesha Caalamka in tirada baarlamaanka cusub Dumarka ay noqoto 30% oo u dhiganta 83 xubnood ayaa waxaa ilaa iyo hadda soo galay baarlamaanka cusub in ka yar kala bar tiradaas iyadoo beelaha soomaaliyeed ay ku kala duwan yihiin tirada ay ilaa iyo hadda soo gudbiyeen taasoo ka dhigeysa in guddiga farsamada ay siyaabo kala duwan ula dhaqmeen beelaha Soomaaliyeed halka ay kuwa ku cadaadiyeen inay keenaan liisas isku dheelitiran oo qoondadii gabdhaha la soo buuxiyey in ay beelaha qaarkood aanan lagu xirin shuruudahaas oo laga qabtay wax walba oo ay keenaan ha waafaqsanaadaan heshiisyadda ay horey u gaareen saxiixayaasha ama khilaafsanaadeene.

Haddaba waxaan usoo bandhigeynaa tirada qoondada dumarka ay ka heleen ilaa iyo hadda xildhibaanada la soo gudbiyey iyo sida beelaha ay ugu kala jiraan.

Beesha Direed waxa ay soo gudbisey 53 xildhibaan waxaa gabdho ka ah 10 gabdhood oo ah 20% halka laga rabay 30% oo u dhiganta 16 gabdhood marka la eego tirada ay ilaa iyo hadda soo gudbiyeen.

Beesha Hawiye waxa ay soo gudbisey 37 xildhibaan waxaa gabdho ka ah 6 gabdhood oo ah 16% halka laga rabay 30% oo u dhiganta 11 gabdhood marka loo eego tirada ay soo gudbiyeen ilaa iyo hadda.

Beesha Digil iyo Mirifle Waxa ay soo gudbisey 49 xildhibaan waxaa gabdho ka ah 7 xubnood oo u dhiganta15% halka laga rabay 30% oo ah 14 gabdhood meesha ay hadda soo gudbiyeen 7 gabdhood oo kaliya.

Beesha Shanaad waxa ay soo gudbisey 23 xildhibaan waxaa gabdho ka ah laba xubnood oo kaliya oo ah10% halka laga rabay 30% oo ah 5 gabdhood marka la eego tirada ay ilaa iyo hadda soo gudbiyeen.

Beesha Daarood waxaa ay soo gudbisey 40 xildhibaan waxaa gabdho ka ah laba xubnood kaliya ah 5 %halka laga rabay 30% oo ah 12 gabdhood marka la eego tirada laga rabay.

Haddaba waxaa dad badan is weydiinayaan maxaa kalifey in guddiga farsamada ay dhinac maraan go’aankii saxiixayaasha Roadmapka iyadoo ay tahay xadgudub lagu xadgudbey heshiiskii saxiixayaasha iyo beesha caalamka ee sheegaayey in la siiyo gabdhaha Soomaaliyeed 30% tirada baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya.

Waxaa taas oo dhan ka daran in guddiga farsamada aysan si cadaalad ah ula dhaqmin oo ay beelaha qaarkood ku qasbeen inay gabdho keenaan halka kuwa kalena ay u sameeyeen xaalumastuur oo waxa ay keeneen ay ka qabteen haddaba waxaa lagama maarmaan in beelihii lagu qasbay inay gabdho keenaan ay xaq u leeyihiin inay ka noqdaan xildhibaanada ay horey u gudbiyeen oo ay keenaan tiro u dhiganta tirada beelaha kale ee Soomaaliyeed ay keenin si aanan beelna loogu sameeynin dulmi iyo xqdaro oo aan si gooni ah loogu qasbin wax beel kale laga daayey oo aan lagu qasbin.

Waxaa sidoo kale aad u adag in xubnaha dhiman ay gabdhuhu ka helaan tiro ka badan tirada ay hadda heleen maadaama beelaha dhiman ee aan magacyada soo gudbin ay u badan yhiin beelo ku adag dhaqanka Soomaaliga oo gabdhaha aanan u ogoleen inay ku matalaan kuraastooda baarlamaanka.

Haddaba la arki doonee meesha ay ku danbeyso eedeymaha xooga leh ee loo jeedinaayo guddiga farsamada iyaga oo ku adkeysanaayo in liiska ay sameysteen ay xoog ku socodsiin doonaan aysana jirin cid ka hor imaan karta cidii ka hor imaatana ay ka dhigi doonaan qaswadeyaal laakiinse la arki doonee sida loo hirgaliyo dowlad gacan ku rimis ah oo la rabo in dad gooniya lagu dulmo iyadoo la adeegsanaayo taangiyo ugaandhees ah.

galacad

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

LIKE SAAR BOGGA GALCAD24.COM

qisoj