Thursday, May 23rd, 2013
.

Madaxweynaha “Diyaar ayaa u ahay inaan aqbalo natiijada dorashada”

Published on August 19, 2012 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu diyaar u yahay  aqbalaada natiijada kasoo baxda doorashada madaxnimo ee Soomaaliya hadii laga guuleysto sida ay noqoto.

“Diyaar ayaan u ahay inaan aqbalo natiijada kasoo baxda doorashada wax walba oo ay tahay,” ayuu yiri Sheehk Shariif oo sheegay inuusan doonayn inuu si awood ah ugu sii fadhiyo kursiga Madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Wuxuu Sheekh Shariif muujiyay kalsooni uu ku qabo in la dooran doono, isagoo tilmaamay in qof walbo wixii uu qabtay ay haboon tahay in lagu doorto.

Madaxweyne Shariif oo u warramayay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa iska fogeeyay kuna tilmaamay been abuur iyo wax aan jirin warbixintii Qaramada Midoobay ee ku saabsanayd in madaxda Soomaalida ay musuqmaasuqeen dhaqaale badan oo loogu deeqay Soomaaliya.

Isbadalada ka jira dalka ayuu ka hadlay Madaxweyne Shariif, isagoo ku amaanay ciidamada xoogga dalka iney kaalin muuqato ka qaateen xoreynta magaalooyinka dalka qaarkood, inta dhimana ay dhawaan gacanta Dowladda soo gelin doonaan.

mas’uuliyiinta ugu sarreeya Soomaaliya Dowladda waqtigeeda dhamaanayo ayaa dhamaantood wada musharaxiin doonaya in la doorto, sidoo kale waxaa sharraxan shaqsiyaad iyo xubno ka socda ururro siyaasadeed oo kala duwan.

HomePage

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

We Love Fanaaniinta Sanadka”Like”

qisoj