Thursday, June 20th, 2013
.

Musharaxa Farmaajo oo Deeq Gaarsiiyay Ciidamada Naafada Xooga Soomaaliyeed

Published on August 19, 2012 by   ·   No Comments

Maanta ayaa waxa ey muslimiinta meelwalba oo ey kajoogaan caalamka waxa ey udabaall dageen maalinta koowaad ee ciidul fidriga dalalka islaamka oo sida weyne maanta loogu dabaal dagay ayaa waxaa kamid ahaa dalka soomaaliya.

Maanta ayaa waxaa ciidamada naafada xooga dalka soomaaliyeed waxa lagaarsiiyay deeq waxaana deeqdaan gaarsiiyay maanta Ra,isal wasaarihii hore ee Dalka Soomaaliya haatanna ah musharaxa u taagan xilka madax tinimda Dalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo.

Deeqdan oo uu gaarsiiyay maanta Ra,isal wasaarihii hore ee Dalka Soomaaliya haatanna ah musharaxa u taagan xilka madax tinimda Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaa kamid ahaa Neef geela.

Deeqdaan aheed Neef geela ayaa waxaa Ciidamada Naafada Xooga Dalka Soomaaliyeed soogaarsiiyay Cawil Maxamad oo ahaa wakiilka farmaajo uu usoo wakiishay in uu gaarsiiyo ciidamada Xooga Naafada Soomaaliyeed,isagoo ku lahadlay halkaasi saxaafada ayaa waxa uu sheegay musharaxa farmaajo uu ugu talagalay neeqdaan geela munaasabada ciidul fidriga awgeed taasoo maanta aheed maalinta koowaad si uu ugu caawiyo ciidamada Naafada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa isna halkaasi kahadlay Gudoomiyaha ciidamada Naafada Cilmi Cabdulahi Caraalle waxaana uu halkaasi kasheegay in deeqdaan uu maanta soogaarsiiyay farmaajo ey kusoo aaday waqti loobaahnaa iyo maalin qiimo u leh umada islaamka meelwalba oo ey joogaan eyna uga mahad celinayaan musharaxa farmaajo waqtiga uu kusoobeegay deeqdaan sida uu sheegay uu ugu talagalay ciidamada naafada xooga dalka soomaaliya.

Ciidamada naafada waxa ey ku sugan yihiin ama hoygooda uu yahay Isbitaalka weyn ee Martini ee Magaalada Muqdisho.

Ra,isal wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya haatanna ah musharaxa u taagan xilka madax tinimda ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo dhawaaan ey aheed markii uu soogaaray Muqdisho waxa uu kulankiisii ugu horeeyay laqaatan ciidamda naafada xooga dalka soomaaliya.

galacad

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

LIKE SAAR BOGGA GALCAD24.COM

qisoj