Thursday, June 20th, 2013
.

Shariif Xasan oo Ka Raja Dhigay In La Doorto”Sababtu Maxay Tahay?

Published on August 19, 2012 by   ·   No Comments

Warar kala duwan oo soo kordhaya saacadihii u danbeeyay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka ee xilkiisa sii dhamaanayo Shariif Xasan Sh. Aadan uu rajo xun ka qabo in uu helo taageerada Xildhibaanada cusub ee lasoo bandhigay magacyadooda, taasoo ku abuurtay rajo xumo.

Arinta kale ayaa ah culeys kaga yimid dhinaca beesha caalamka, waxaana looga yeeray xafiiska Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Mahiga, waxyaabaha lagala hadlay waxaa ka mid ahaa xilka Guddoomiyenimo ee uu weli sii haayo, Musharaxnimadiisa iyo ololaha doorasho.

Warar hoose ayaa sheegaya in Shariif Xasan lagu wargeliyay in uu iska casilo xilka Guddoomiyenimo ee Baarlamaanka, taasoo keentay in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo casilaada.

Shariif Xasan ayaa xildhibaanadii uu u ololeynayay in lagu daro Liiska cusub ayaa lagu arkin, kuwaasi, waxayna gelisay rajo beel barbar socda faragelinta Ergayga Qaramada Midoobau u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mahiga oo si toos ah faraha ugala jiro arrimaha hoose ee dalka.

Tallaabadani waxay fursad siineysaa Madaxweynaha Dowladda KMG oo ninka Labeeya ee u soo dhow uu ahaa Shariif Xasan marka la fiiriyo kala soo jiidashada dhinaca Xildhibaanada.

Shariif Xasan ayaa hada wararku sheegayaan inuu dadaal ugu jiro sidii uu mar kale kursiga Baarlamaanka u heli lahaa, wuxuuna badalay damacii hore ee Madaxweynenimada.

Shariif Xasan ayaa lagu eedeeyaa inuu ka mid yahay xubnaha Dowladda ee lunsaday dhaqaalaha ugu tirada badan xiligii uu ahaa Wasiirka Maaliyadda.

galacad

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

LIKE SAAR BOGGA GALCAD24.COM

qisoj