Monday, May 20th, 2013
.

Waraaq Sir ah Oo Ka Baxsatay Mid Kamida Gacan Yarayaasha Cabdiwali Gaas (Akhri).

Published on August 19, 2012 by   ·   No Comments

Ra’iisal wasaaraha TFG C/wali Maxamed Cali ayaa ku jira Ololihii ugu weyn ee ku doonayo hanashada Jagada Madaxweynaha Dawlada Cusub ee la filayo in ay soo baxdo ka dib 20 ka  bisha Ogosto,Mudane C/wali Cali Gaas  ayaa niyadwanaag ka muujiyey tartanka madaxweynimo, mark uu dhawaan la shiray taageerayaashiisa wuxuu u sheegay inuu aad u ugu rajo weynyahay hanashada Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Warqad si khalad ah uga fakatay xubinka mid ah xubnaha C/wali u metalaya Ololaha doorashada  oo ku soo dhacday gole E group ay ku jiraan shakhsiyaad Soomaaliyeed,qofkaas ama xubintaas waraaqda dirayay, ayaa  doonayey inuu u diro warqada xubin qurbajoogta Maraykanka  ka mid ah  gaar ahaan magaalada Seattle  oo olole dhaqaale ururinka ka waday Maraykanka ,warqadaas ayaan noo suurta galin inaan nuqul ama koobi ka soo qaadno, ayaan akhristayaasha u soo gubinaynaa wixii ku qornaa oo sidan ahaa.

Aboowe Salaanka ka bacdi xalay waanku jiray teleconference kii Ra’iisalwasaaruhu kula hadlayay dadweynaha,anagu hawl fiican ayaan wadnaa Dr.C/wali arimo badan oo uu san Teleconference ka sheegin ayaa jira goor dhow waxaynu gaari-doonaa guusha kama dambaysta ah, Jaliyada Majeerteen waxaad u sheegtaa in ay hawshu meel fiican marayso Prof. Gaas wuxuu si hoose noogu sheegay in dawlado badan oo Beesha caalamka ahi taageersanyihiin musharaxnimadiisa,wuxuu iyadana noo xaqiijiyey in uu kalsooni weyn ku qabo xildhibaanada Soomaaliyeed “waxaan waydiinay cabsida uu ka qabo Axmed Tuke ( sheikh Shiriif) iyo Farmaajo, si aad u wanaagsan ayuu nooga qanciyey arintaas wuxuu noo xaqiijiyey in arinta Shariifka ay hada hoos u dhacday shaki weyna aysan lahayn.

Prof.Gaas wuxuu yidhi waxaan idiin sheegayaa xildhibaanada Soomaaliyeed  70% codkooda inaan haysto, xildhabaanada Daaroodka kala badh in ka badan (60%) ayaan filaynaa kuwa Digil iyo  mirifle waa inoo diyaar intooda badan,beelaha badhka xubno fiican ayaan ka filaynaa sidoo kale, xildhinaada Hawiye in badan baa inoo diyaar ah sida Beesha Murursade qaarka imanaya ,xawaadlaha iyo sacadka,Farmaajo isaga hawshiisu ma sii ridna wax Mareexaan iyo Caydh-ka badan iyo dhowr qof oo Others- ka ah ma helayo haduu ugu badato sida uu Prof.Gaas noo carabaabay,Shiriifkuna hada rajadiisu hoos ayay u dhacday hada wuxuu ku werereegayaa kala dirista golaha wasiirada oo uu Ra’isal Wasaare u doorto wiil xun oo dhulbahante ah oo uu wato taasna u suuroobi mayso sharcina uma laha.

arinkale oo farxad leh ayuu Ra’iisalku noo sheegay sida aad ogtihiin waxaa la dhisayaa Maamulka Jubooyinka Prof.Gaas wuxuu nnoo sheegay in Dawlada Ethiopia aanayn raali ka hayn in Madaxweyne Ogaadeen ah loo dhiibo Jubbaland taas bedelkeede ay doonayso in ay IGAD ku qanciso in shakhsi  cida  ah madaxweyne looga dhigo Jubbaland ninkii Darwiish  ee Biciidyahan ayaa is qaad –qaadaya laakiin taas wali  cida  Go’aan kuma gaadhin waa himilooyinka aan hiigsanayno hadii aan ku guulaysano Doorashada arintaasi waa arin sir ah ma rabno Ogaadeenku maqlo laakiin waxaan idinku bishaaraynaynaa in hadii Gaas soo baxo cida  ay Xaqiijin doonaan in ay Hogaanka u qabtaan dawlad wanaag iyo kala dambayn oo waliba Puntland kale aan ka dhisno Jubbaland.

Gaba-gabo waxaa laydinka rabaa hawhsii xagiina ku xanibnayd hawshu waa fiicantahay laakiin waxaan rabnaa inaa muqdisho oo dhan isku dayno sidii aan u qarnin lahayn.fadlan xidhiidh gudida ololaha ee Seattle.

 

HomePage

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

We Love Fanaaniinta Sanadka”Like”

qisoj