Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo maanta khudbad ka jeediyay garoonka Mire Awaare ee magaalada Garoowe Ayaa shacabka Garoowe u sheegay in Puntland ay ka tashan doonto aayaheeda hadii Dowladda dhalan doonta ay dib u soo laabtaan wax uu ku sheegay Hoggaamiye Kooxeedyo dhiigyo cab ah oo xasuuq ka geystay dalka.
Faroole wuxuu sheegay in duulaan lagu soo yahay Puntland, loona diidan yahay deganaanshaheeda, wuxuuna tilmaamay in gudaha Puntland ay ku sugan yihiin dad qabyaaladda weli ku danbeyso, si looga hortagana wuxuu ku baaqay in meel looga solao horjeesto.
Wuxuu sheegay in dhaqaale xumo ay soo wajahday Puntland gaar ahaan Shilin Somaliga oo yaraaday, balse ay ku guda jiraan in ay soo sameystaan lacag cusub iyagoo la kaashanaya Dowladda Soomaaliya ee dhalan doonta, inkastoo uu xusay in qorshuhu ahaa in mar hore la sameeyo balse loo baajiyay cabsi laga qabay in lacagtaasi loo adeegsan doorashada dhawaan dhaceyso.
Wuxuu sheegay in maamulkiisa ay la diriri doonaan wax uu ku sheegay argagixiso kasoo barakaceyso Koonfurta Soomaaliya oo bartilmaameedssanayo dadka bulshada ka dhex muuqda, arintaasi oo uu ku tilmaamay mid siyaasadeed oo qabili ah.
C/raxmaan Faroole wuxuu ka horjeestay in Baarlamaanka ay ka mid noqdaan Hoggaamiye kooxeedyada Soomaaliya iyo kuwa aan aqoonta laheyn maadaama buu yiri howsha ay qabanayaan ay tahay sharci dejin, wuxuuna farta ku fiiqay in Hoggaamiye kooxeedyadii ka qeyb qaatay dagaaladii Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Hargeysa in maanta qasab lagu soo geliyo Baarlamaanka aysan aheyn wax la qaadan karo, wuxuuna ka digay in hoggaanka aan loo dhiibin koox uu ku sheegay qaswadayaal.
wuxuu sheegay Faroole in hadii ay ka dhex arkaan Dowladda dhalan doonta ama dib u soo laabtaan Hoggaamiye kooxeedyadii iyo kuwo uu ku sheegay in la soo kireystay ay Puntland ka tashan doonto aayaheeda oo uu ula jeeday in ay ka madax bannaanaan doonto Soomaaliya.
Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa u muuqday fariin ku socotay Madaxda Dowladda KMG gaar ahaan Madaxweyne Shariif oo dhawaan mowqif adag ka qaatay guddiga soo xulista Baarlamaanka ku raacay in aan laga hor istaagi karin shaqsiyaad gaar ah ka mid noqoshada Baarlamaanka cusub.