20-ka August waa maanta, waana xiligii ugu danbeeyay ee dowlada KMG gaar ahaan Xukumada Ra’isul Wasaare Gaas.
Mudo hal sano ah kadibna Ra’isul Wasaare Gaas waxaa uu doonayaa in uu kusii jiro Siyaasadiisa Soomaaliya.
Saxiixayaasha Road Map-ka ayaa ahaa in xiliga KMG laga baxo 20-ka Bishan sidoo kalana lasoo doorto dowlad cusub.
Hase ahaatee dib udhac ku yimid xiliga doorashada madaxweynanimo ayaa keentay in Xukumadii Dr Gaas xilkeedii uu dhamaado.
Waxaa dalka haatan ka jira awood madaxweyne oo kaliya, inkastoo qaar kamid ah golihii Wasiirada ay howsha sii wadaan.
Ra’isul Wasaare Gaas ayaa ah Musharax madaxweyne waxaana uu qal qaalo ugu jiraa sidii uu taageero ugu kasban lahaa qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada oo la aamisan yahay in ay hormuud u ahaayeen xildhibaanada Cusub qaarkood.
Waxaa jira Warar sheegaya in Dr Gaas iyo Xubno Wasiiro ah ay kulan adag xalay yeesheen kaas oo ay uga doodeen sida ay uga midnoqon laahayeen siyasada cusub ee soo aadan.
Dad la rumaysan karo waxaa ay sheegeen in xubnaha qaar ay doonayaan in ay la midoobaan kursi raadinta Dr Gaas, hase ahaatee Wasiiradaas qaarkood ayaa sheegay in wax walba ay ka go’di doonaan Xildhibaanada isagana iyagana aysan dhihi karin qof hebel doorta.
Galcad24.om–
Muqdisho Somalia
Galcad24@hotmail.com